|

Khilaafka Xisbiga Kulmiye,Saamaynta dalka uu ku Yeelanayo iyo Talooyin uu Sheekh Aadan Siirro u soo Jeediyay DAAWO

Hargeysa, 29 Sep 2015 (SDN/QJ)-  Xisbiga Kulmiye ayaa Waxaa Mar kale ka dhex Socda Kulamo ay isku hirdinayaan baarqabiinta hamigoodu yahay hogaaminta Xisbiga Kulmiye.

Xogihii Ugu Danbeeyey Ee Xisbi Xaakimka Kulmiye, Kulamo Is Dabajoog ah Ka Hor Intii Aanu Madaxweynuhu Dalka ka amba bixin Ayaa Waxa La isla Qaatay In Xisbiga Kulmiye yahay xisbi Dimuquraadi ah Islamarkaana Aanu Cidna U Xidhnayn

Sida Daraadeedna Ninkii Wax Isla Hayaa Uu Ka dhex tartamo Golaha Dhexe ! hase ahaatee Taasi Waxay U Cuntami wayday mid ka mid ah Garabada loolanka ugu jira Murashaxnimada Madaxwaynenimada 5ta Sano ee soo socda.

Waxa kale Oo xusid mudan In Hogaanka Xisbigu Dalbaday inaanu Qof Xukuumada Xil Ka Haya La Tartamin Madaxwaynaha taasi oo uu Madaxweynuhuna aqbalay isaga oo kula Dardaarmay Golihiisa isla markaana faray In ninka damac ka hayo taranka hogaanka iyo madaxtinimada dalka uu iska Tiriyo xilka iyo Masuuliyada uu qaranka u hayo.

Comments are closed