|

Kismaayo Sadex Askari oo Ka Tirsan Maamulka Juba oo Xalay lagu dilay

Kismaayo 30.April 2014 (SDN/QJ)- Rag hubaysan ayaa xalay Kismaayo ku dilay 3 nin oo ka tirsanaa ciidanka ammaanka ee maamulka KMG ah ee Jubba.

Goobjoogeyaal ayaa u sheegay Warbaahinta in uu dilka ka dhacay xaafadda Via Afmadow, raggii geystayna ay baxsadeen.

Ciidamada ammaanka ee maamulka KMG ah ee Jubba ayaa gaaray goobta ay wax ka dhaceen, waxayna sameeyeen howlgallo aan la sheegin cid lagu qabtay.

Lama garanayo sababta iyo cidda ka dambaysay dilka saddexda askari.

Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose oo xarun u ah maamulka KMG ah ee Jubba ayaa maalmahan waxaa ku soo kordhaya dilal qorshaysan oo inta badan loo geysto askarta maamulka.

Kismaayo SDN/QJ.

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed