Uncategorized

Wejigii 2aad ee Shirweynaha Urur Siyaasaddeedka WADANI dib uga furmay magaalada Hargeysa

Hargeysa, 09, April 2012 (SDN)- Wejigii labaad ee Shirweynaha 1aad ee Urur Siyaasaddeedka WADANI ayaa saaka dib uga bilaabmay hoolka hotel Mansoor ee magaalada Hargeysa.

Shirkan oo ay guddoominayaan Gudd shalay lagu doortay Shirka, guddidaas oo ka kooban 5 xubnood.

Ugu horeyn wax aka hadlay furitaanka Guddoomiyaha Shirka Maxamed Axmed Xasan (Baashe) waxaanu ka warbixiyay qaabka maanta uu shirku ku socon doono iyo hanaanka doorashooyinku u qabsoomayaan. “Waxaynu ansixin doonaa xeerka Ururka, waxa kale oo aynu kala saari doonaa derajada hogaanka, waxa kale oo aynu ansixin doonaa Guddida fullinta iyo Golaha dhexe.” ayuu yidhi Guddoomiyaha Shirka WADANI.

Waxa kale oo ka hadlay ergooyinka ka socda Gobollada iyo xubno ka tirsan qurbejooga ururka WADANI.

Jawiga shirka ayaa ku bilaabmay xaalad degan, iyadoo ergooyinka gobolladuna ku soo dhamaadeen hoolka waxaana madasha ka muuqda Xildhibaano iyo siyaasiyiin magic ku leh Somaliland oo ka mid ah Ururka WADANI.

SDN, Hargeisa Somaliland

Said8090@gmail.com