|

Komiishanka Doorashooyinka Qaranka oo Ka Hadlay Koox Budhcad ah oo Goob ka Mid ah Magaalada Laascaanood Ku Xaday Computer dadka Lagu Diiwaangelinayay & Halka ay Ku Danbaynayso Xogta Dadkii La Diiwaangeliyey DAAWO

Hargaysa 13.Sep 2016 (SDN/QJ):-Gudida Doorashooyinka Qaranka oo la Hadlay Warbaahinta ayaa Sheegay in Computer ka mid ah Kuwa Lagu Diiwaangelinayay Dadka ku dhaqan Magaalada Laascaanood ay Habeen hore ka Xadeen Koox Budhcad ah Goobtii uu Yaalay ee Dadka lagaga Diiwaangelinayay.
Gudoomiyaha Gudida Doorashooyinka Qaranka Komishaneer C.qaadir Iimaan Warsame oo Hadalkaasi ka hadlay ayaa Cadeeyay in Xogtii Computerkaas ku Jirtay ay Komiishanku Gacanta ku Hayaan Isagoo intaas ku daray in Laamaha Amaanku ku daba Jiraan Budhcadii Xaday Computerkaas.

Comments are closed