|

‘’Faysal Cali Waraabe Waa Eedaysane Maxkamadi Ku Socoto,Xisbiga Ucidna Ma Metelo’’ Murashax Jamaal Cali Xuseen DAAWO

Hargaysa 13.Sep 2016 (SDN/QJ):-Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa waxaa uu ka hadley sida uu u arko go,aankii uu madaxweyne Siilanyo ka gaadhay arimaha saami qeybsiga kuraasta golaha wakiilada isla markaana uu ku kala qaadey labada doorasho ee wakiilada iyo Madaxtooyada.
Musharaxa ayaa waxaa uu sheegay in go,aankaasi madaxweynaha ka soo baxay ay ka fiirsan doonan isla markaana ay ka tashan doonan xisbi ahaan.
Sidoo kale Jamaaal Cali Xussen ayaa waxaa u sheegay in Faysal Cali Waraabe oo isagu arintaasi soo dhaweeyey aanu matalin xisbiga UCID isla markaana uu yahay shaqasi ay dacwad kaga socoto Maxkamada afka xisbiga UCID na aanu ku hadli karin mar hadii uu eedeysane yahay. Ilaa inta uu go,aan kasoo baxayo Maxkamada Sare oo mudaysay Dacwada Ucid 18 Sept.

Comments are closed