Hargeysa:May,13,2014(SDN/QJ)- Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaiil Saylici ayaa si badheedh ah uga baaqsaday Safar uu kaga qaybgeli lahaa munaasibadda 18-ka May oo sanadkan u qorshaysnayd inuu Dalka Maraykanka Kaga Qaybqaato.
Mudane Saylici ayaa sida lagu waday maalintii shalay qorshihiisu ahaa inuu Waddanka ka amba baxo, balse waxa soo baxday tuhuno uu ka qabo in Tirada Golaha Dhexe ee Xisbiga oo meel Xaasaasi ah maraysa si hoose loo kala qaybsado.
Warbaahinta ayaa heshay warar sheegaya in muranka Golaha dhexe ee Xisbigu uu haatan xaraarad ballaadhan yeeshay, iyadoo inta badan Xubnaha xukuumaddu ay madaxa iskugula jiraan arrinta xulashada xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga.
Madaxweyne-ku-xigeenka ayaa hore uga cadhooday Qaabkii loo xulay Ergooyinkii Ka qayb gelayey shirweynihii Xisbiga Kulmiye ee dhawaan Dhamaaday, kaas oo oo Beeshiisu si weyn u saluugtay.
Khilaaf Halkaas ka dhashay ayaa kala fogeeyey Muuse Biixi iyo Saylici, waxana uu wali saylici Tuhun kale ka qabaa inaan la siinin Xubnaha uu xaqa u leeyahay iyo walba cidda uu u igman doono inay Golaha dhexe u galaan Deegaanada uu ka soo jeedo, maadaama uu yahay Masuulka ugu sarreeya Reer Awdal ee Dhinaca Xukuumadda iyo Xisbigaba.
Dareenka ka dhashay Musharaxnimadii Muuse Biixi dhawaan iclaamiyey, ayaa keenay in madaxtooyadu il Gaar ah ku eegto cidda Gelaysa Golaha dhexe ee Xisbiga, maadaama haatan meesha lagu kala bixi doonaa ay tahay Golaha, dhexe waxana Madaxtooyada ka socda Dhaqdhaqaaq iyo shirar lagu Go’aaminayo sidii ay Madaxtooyadu Golaha dhexe ee Xisbiga ugu yeelan lahayd aqlabiyadda ugu badan.
Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland ayaa wali ku hawllan xulidda iyo tiro koobidda cidda Gobolkiisa ka geli doonto Golaha dhexe ee Xisbiga, waxana dhaqdhaqaaqiisa il hoose kula socda Muuse Biixi oo ay dhawaan isa seegeen balse haatan u baahan Taageeradiisa inkastoo uu jiro Hunguri ku-xigeenimo oo uu saylici mar kale leeyahay.
Mudane Saylici ayaa ka muquurtay inuu haatan safarkaas U Baxo, waxana uu doonayaa inuu la socdo dhaqdhaqaaqa ugu dambeeya ee dhinaca xulashada Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga si aanay ugu dhicin wixii kaga dhacay Xulashadii Ergooyinku.
Lama Hubo inuu saylici sidaas ku Kansalay Safarkiisii iyo inuu Maalmaha hadhay BIxi doono, balse waxa la xaqiijiyey in sababta uu qorshihiisii Bixintaanka oo shalay ku ekaa u beddelay uu yahay arrinta Xubanaha Golaha dhexe oo haatan dagaal Ba’ani ka taagan yahay.
Saylici ayey Haatan ka Go’an tahay inuu Goobta Geysto xubno uu kalsooni ku qabo, isla-markaana waxa uu doonayaa inaan Saamiga Beeshiisa sidii hore u dhacday aan Lagu tumanin, maadaama uu canaan iyo hiiraan Badan kala kulmay Beeshiisa uu Metelaha u yahay.
SDN/QJ-Hargeysa
Contat@Somalidiasporanews.com
