Muqdisho Jan 09,2014(SDN)-Wararkii ugu danbeeyay ee ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya waxa ay sheegayaan in Wasiirka arrimaha dibedda ee muranka ugu badani ka taagnaa ayaa xal laga gaaray.
Cabdiraxmaan Bayle oo mudo labaatan sanadood ka mid ahaa madaxdaa Bangiga Horumarinta Africa ayaa haatan ay isla qaateen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Raiisul Wasaare C/weli Sheekh in Wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya laga dhigo.
Magacaabida wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya oo beesha Direed ay aheyd inlaga soo xulo ayaa ay xildhibaanadooda Baarlamaanku isla qaadan waayeen cida loo magacaabayo.
Md Beyle oo ka soo jeeda gobolka Awdal ayaa uu Raiisul wasaaruhu ku adkeystay magacaabidiisa isla markaana uu madaxweynuhuna la qaatay laba maalmood oo doodo socdeen dabadeed.
Madaxtooyada ayaan weli ka soo kaban weji gebixii ay kala kulmeen Guddoomiyihii hore ee Banka Soomaaliya Yusur oo qudheeda ka soo jeeda Gobolka Awdal.
Waana sababta keentay in Madaxtooyadu iska hubiso shakhsiyada Md Cabdiraxmaan Beyle intaan la isla qaadan goaanka magacaabidiisa.
Si kastaba ha ahaatee Aqoonyahan Cabdiraxmaan ayaa ah shakhsi aan laheyn laalaabadka siyaasiyiinta haatan ee Soomalaiya,waana suurtogal in ay ku adkaato la jaan qaadida siyaasada Soomaaliya,khaasatan hadaanu helin madaxbaanaani uu hawshiisa ku sii wato.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com
