|

Kulan ay Muqdisho ku yeesheen golaha Nabadda iyo Midnimada Jubba oo Bayaan laga soo saaray “Sawirro”

Muqdisho May 01,2014(SDN)-

Shir Jaraa’id oo maanta magaalada Muqdisho ku qabteen golaha nabadda iyo Midnimada gobolada Jubbooyinka ayay uga hadleen arimaha Siyaasada ee baryihii u danbeeyay ka taagnaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Ugu horrayn ayaa waxaa ka hadlay Shirka Jaraa’id Xogahaya golaha Nabadda iyo Midnimada Jubba Abuukar Macalin Xayesi ayaa sheegay dawladda Soomaaliya iyo maamulka KMG ah ee Jubba inay baal-mareen wadadii dib-u-heshisiiinta ee gobolada Jubbooyinka isla markaana ay ku hawlanyihiin kala fur-furka shacabka iyo siyaasiyiinta deeganadaasi.

“Markii aan wax badan xeerinay waxaa noo soo baxay meesha inay ka jiraan waxyaabo kale oo waxyaabihii lagu balamay iyo heshiisyadii Addis Ababa iyo Muqdisho baal-marsan, waxaan la soconaa magaalada Kismaayo inay ka jiraan dhibaatooyin maalin walba lagu dilo dad shacab ah oo waxba galabsan” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sheegay dhibaatooyinka lagu hayo shacabka iyo hal-doorka Jubbooyinka dawladda Soomaaliya inay u sahashay dadkii dhibkaasi waday inaan lala xisaabtamin isla markaana lagu ammaano dilalka iyo dhibaatooyinka kale ee gaysanayaan.

Qaar kamid ah waxgaradkii kulanka ka hadlay ayaa eedayn kulul dusha uga tuuray Hoggaanka sare ee maamulka KMG ah Jubba iyadoo ay sheegeen heshiiskii lagu gaaray Addis Ababa 27kii bishii Agoosto ee sanadkii 2013 inuu gabi ahaanba burburay isla markaana ay ka danbeeyeen burburkiisa maamulka Juba iyo dawlada.

Ugu danbayn ayaa waxaa Saxaafadda u akhriyay Warsaxaafadeedkii kasoo baxay shirka Guddoomiye ku xigeenka golaha Nabadda iyo Midnimada Jubba Col, Cabaas Maxamuud Cadow  wuxuuna sheegay goluhu inuu ugu baaqayo dawladda iyo Maamulka KMG ah Jubba in la qabto shirwaynihii dib-u-heshiisiinta ee loo balansanaa, isagoo geesta kale tilmaamay shirka dib-u-heshiisiinta ee ka soconaya Kismaayo inuu yahay mid aysan aqoon sanayn kana qayb galin dadkii khilaafaadku u dhexeyay.

Beesha Caalamka iyo wadamada daneeya arimaha Soomaaliya ayuu ka codsaday inay wax ka qabtaan arimaha Siyaasada ee Kismaayo ka taagan.

Kulanka ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho iyo bayaanka kasoo baxay ayaa qayb ka noqonaya cabashooyin ballaaran oo shacabka iyo siyaasiyiinta Jubbooyinku ka muujinayeen arimaha Siyasada ee deeganadaasi ka jira bilihii u danbeeyay.

Displaying 20140430_111749.JPG

Displaying 20140430_111808.JPG

Displaying 20140430_112004.JPG

Displaying 20140430_112013.JPG

 

SDN/QJ-Muqdisho

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed