|

Atletico Madrid Ayaa Final-ka u soo Baxdey Markii 3-1 Ugu Awood Sheegatey Chelsea (Champion League Finals) DAAWO) By Jaahhur.

imagesimagesLondon-30-April-2014-(SDN) Asxaabtay qormadeena ciyaaraha waxaynu ku eegeynaa horyaalka Yurub (Champion League) oo ku dhaw gaba-gabow Real Madrid iyo Atletico Madrid oo Final u soo wada baxay,ciyaartaasuna waxay ka dhici doontaa (LISBON)

imagesAtletico Madrid ciyaarta Finalka ugu soo baxdey waxay foodda isla galeen Chelsea taas oo ahayd lugii labaad,tii horana waxay ka dhacdey Madrid kuna dhamaatey 0-0.

Haddaba haddii aynu u guda galno ciyaartii ka dhacdey Stamford Stadium ayaa Chelsea garoonka ku soo gashey kalsooni xad dhaaf ah bacdamaa gurigeedii lagu ciyaarayo.

Qeybtii hore ee ciyaarta daqiiqaddii 36-aad ayaaa goolkii ugu horeeyey Chelsea u saxeexey Torres,laakiin farxaddii waxaa ka dambeeyey markii Atletico aay la simantey daqiiqaddii 44-aad waxaana shabaqa ku habsadey Adrian.

Qeybtii dambe ee ciyaarta kalsoonidii Chelsea garoonka ku soo gashey waxaa cirka ku laaley Costa oo goolkii labaad u raaciyey kaas oo ahaa Rigoore (Penelty) kii qalbi jabkana waxaa u raaciyey daqiiqaddii 72-aad Turan.

Atletico Madrid 3- Chelsea 1.

W/qorey Jaahuur

SDN

jjaahuur@hotmail.com

Comments are closed