Hargaysa 06.April (SDN) Agaasimaha Guud ee Wasaarada Beeraha C.laahi Ismaaciil Faarax ayaa isuduwayaasha Wasaarada ee Gobolada dalka waxa uu kulan lagu daraasadaynayo Sidii Qiimayn loogu samayn lahaa dadka beeralayda ah ee aan awoodin inay beerahooda qotaan ayaa maanta uga furay Huteelka Ambassador,ee Magaalada Hargaysa .
Kulankan Waxaa Wada Jir ah u Hirgaliyay Wasaarada beeraha iyo hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Horumarinta beeraha ee FOA,Waxaanu Socday mudo hal maalin ah.
Kulankaas ayaa lagaga hadlay sidii gacan loo siin lahaa dad gaadhaya ilaa Sodon kun oo qoys oo midkastaba loo qodayo ilaa laba Saacadood iyadoo Mudnaanta la siinayo Gobolada ugu Mudan dhinaca Tacabka Beeraha.
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Beeraha C.laahi Ismaaciil Faarax ayaa u mahad celiyay Isu duwayaasha wasaarada ee Gobolada dalka,iyo hay’ada FOA oo ay wada Shaqayn Muglihi ka dhaxayso Wasaarada Beeraha.
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Beeruhu waxa uu Sheegay in la soo sameeyo qiimayn ku Wajahan Sidii loo ogaan lahaa dadka beeralayda ah ee Jilicsan una baahan in laga gacan siiyo qodaalka wax soo saarka ay ku hawlan yihiin,Waxa uu Agaasimuhu ku booriyay Xubnihii Kulankaas ka qayb galay in waxa ay barteen ay uga faa’iideeyaan Bulshadooda.
Waxaa kale oo halkaas ka hadlay Madaxa Hay’adaha FOA Maxamed Jaamac Gahayr oo tilmaamay baahida ay bulshadu u qabto sidii loo gargaari lahaa dadka beeralayda ah ee u baahan in laga gacan siiyo hawlaha qodaalka beeraha,Waxaanu u mahadceliyay Wasaarada beeraha ee Somaliland oo had iyo jeer kala Shaqaysa Mashaariicda dhinaca beeraha.
Hargaysa SDN.
qurbejoog.com
