Uncategorized

Taliyaha Ciidanka Booliska oo Sheegay inay hawl gal Ciidanku ku soo qabqabteen Maandooriye

Hargaysa 06.April (SDN)   Taliska sare ee Booliska Somaliland ayaa maanta ka hadlay Maandooriyayaal kala duwan oo ay ku soo qabteen hawlgal ay habeenimadii xalay ciidamada ammaanku ka fuliyeen qaybo kamid ah caasimadda Somaliland ee Hargaysa.

Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal iimaan taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland oo manta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in Khamri faro badan iyo duubab xashiishad ah oo qaab qarsoodi ah oo adag loo soo xidhxidhay lagu soo qabtay hawlgal caadi ah oo ay ciidamada ammaanku xalay ka fuliyeen magaalada Hargaysa.

Taliye fadal waxa uu daaha ka qaaday in shan ruux oo lagu tuhunsan yahay inay ka ganacsanayeen maandooriyayashaasi la soo qabtay isla markaana la  hor geeyey cadaalada kuwaasoo tallaabada laga qaadi doono laga sugayo maxkamadda ku shaqada leh.

Dhanka kalena taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland waxa uu uga digay shacabka Somaliland guud ahaantii inay ka taxadaraan meelaha togaga biyo mareenka ahi ku yaallaan inta lagu jiro waqtigan xilli roobaadka.

Hargaysa SDN.

qurbejoog.com