Uncategorized

Kulan lagaga Hadlayo Joojinta Gudniinka Fircooniga ah oo Marwada Madaxweyne Siilaanyo Hargaysa kaga qaybgashay

Hargaysa 17.Feb 2014 (SDN)- UMarwada Madaxweynaha Somaliland marwo Aamina Sh Maxamuud Jirde (Aamina Weris) iyo xubno ka tirsan Golaha wasiirada soaliland ayaa maanta ka qayb galay Kulan lagaga arrinsanayey sidii loo joojin lahaa gudniinka fircooniga ah ee hablaha, kaasoo lagu qabtay Hotel Ambassador ee Magaalada Hargeysa.

aamina Warismunaasabadaasi ooay ka soo qayb galeen wasiirada wasaaradaha Caafimaadka, Diinta iyo Awqaafta, wasiir ku xigeenada  wasaaraddaha Qoyska iyo cadaaladda, culima’udiin, ururada dhalinyarada iyo dadweyne kale ayaa hadal ay ka jeedisay Marwada Koowaad ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay sheegtay in Gudniinka fircooniga ahi yahay caado xun oo soo jireen ah, lama huraana ay tahay in laga gudbo.

Marwo Aamina Weris waxa y ballanqaaday in Xukuumadda Somaliland is dhinac taagayso dhamaan ururada bulsho ee ka hawlgala la dagaalanka gudniinka fircooniga ee hablaha, loogana fadhiyo inay kulankoodan maanta ka soo saareen talaabooyin dhaxalgal ah oo hoos loogu dhigi karo dhibaatada baahsan ee uu weli bulshadeena ku hayo Gudniinka fircooniga ahi.

Wasiirka wasaaradda Diinta iyo awqaafta ee JSL sh Khaliil cabdilaahi Axmed oo furitaankii kulankaasi ka hadlayey ayaa sheegay in falka gudniinka fircooniga ahi yahay mid ka soo horjeeda shareecada islaamka, dhibaato aan dhamaad lahayna u gaysta Haweenka Somaliland.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com