|

Xisbiga Waddani oo Xukuumadda Ku Eedeeyey Tacaddiyo Cusub oo ay Danyarta ku hayso

waddaniHargeysa:31-july-2013 (SDN) – Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani Ayaa ka dhiidhiyey Tacadiyadda iyo awood-sheegashada  kala duwan ee ay ciidamadda Booliska iyo Dawladda Hoose Ee Hargeysa  la daba taagan yihiin Wadhatada iyo danyarta Ku Ganacsadda Suuqa Waaheen Ee Badhtamaha Caasimadda Hargeysa.

Masuuliyiin ka tirsan  Xisbigaasi  oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa waxa ay ku sheegeen in aan loo dul qaadan Karin dhibaatadda lagu hayo shacabka qaybahooda jilicsan.

 

 

Eng. Cabdirashiid Maxamed Cali oo ka tirsan xisbiga Waddani oo ugu horrayn halkaas ka hadlay, ayaa hadalkiisa ku bilaabay sidata, “ Waxa aanu shirkan jaraa?id u qabanay in aanu kaga hadalno dhibaato iyo tacadi shalay ka dhacay suuqa waaheen, kaas oo tacadi badan loogu gaystay dadka dan yarta ee ku ganacsata suuqaasi. Runtii dadkaas oo loo adeegsaday muruq, waxa aanu leenahay ma qabato arrintaasi dadka dan yarta ah, waxaanan halkan ugu baaqayaa wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo markii uu xilka la wareegay sheegay in uu saaxiibo ka dhigi doonno ciidamada Booliska iyo dadka, waxaanan leeyahay wasiir arrintii waaba ka sii dartay.

 

Waxa aanu aragnaa in Somaliland ay marayso halkii ay Somalia maraysay 1980, ee ay ciraaq maraysay 1990 ee ay Libya Maraysay 2000 ayaan u aragnaa, waxa aanu leenahay dalkan aqoonyahankii ayaa ka baxay oo ka tahriibay, dhalinyaradii ayaa ka dhaqaaqday iyaga oo cadaalad daro tirsanaya, maantana waxa ay  muuqataa in dan yartii iyo Islaamihii suuqa ku ganacsanayay iyagana laga saarayo,”

 

 

Sidoo kale waxa uu cambaareeyay ciidamadda Booliska oo iyagu Taariikadda gaadiidka kala duwan maalmihii ugu dambeeyay ka goosanayay, waxaana uu  yidhi “Waxa aan cambaaraynayaa gaadiidka Ay  ciidamadda Nabadgalyada wadooyinku ay maalmihii  ugu dambeeyay Taarikada ama Numbaradda ka goosanayeen, waxaanan u aragnaa in ay tuugo caddaana tahay.Ciidamadda boolisku guud ahaantoodba waxa ay u soo baxeen in ay qaarna gaadiidka Numbaradda ka goostaan, kuwo kalena ay habeenkii guryaha u soo dhacaan, askariga afka duubanaya ee habeenkii dadka u dhacyaa isaga ayaa argagaxiso ah baan leeyahay, waxaanan xukuumadda leeyahay waa in arrimahaasi wax laga qabto”

 

Dhinaca kale  Xogyaha Warfaafinta ee Xisbiga Wadani Maxamed Xasan Dirir oo isna shirkaasi jaraa,id ka hadlay ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin  xukuumadda in ay awoodeeda ku tijaabiso dadka Danyarta ah, waxaanu yidhi, “Waxa aanu xukuumadda leenahay la idinka aqbali maayo in aad dadkii danyarta ahaa ee ku ganacsanayay suuqyadda Hargeysa aad awoodiina iyo muruqiina ku tijaabisaan oo ay wax qabadkiina ka mid noqoto, waxa ayaan darro ah in hooyooyin sooman oo surbacaad caruurtooda ugu soo saaraya quutal daruuriga loo adeegsado ciidan cagta mariya  oo ay u adeegsadaan wasiiro iska nasanaya oo caruurtooda dubai maryaha looga soo iibiyo.”

 

 

 

 

Mar uu la hadlayay Ciidamadda Ilaalada Wadooyinka waxa uu yidhi, “Ciidamadda Ilaalada wadooyinka waxa aan leeyahay waxa aad wadaan waa tuugo cadaan ah, waxa la ogol yahay in aad qofka sugtaan, laakiin aydaan gaadhiga Taarikada ka goosanin”.

Shirkan jaraa’id ee xisbiga waddani qabtay, ayaa ka dambeeyey kadib markii maalitii shalay salaaddii hore ciidamo xoog badani ku waabariisteen suuqa waaheen, iyagoo cagta mariyey dadweyne tiro badan oo Danyar ahaa kuwaas oo goobahaa iskaga ganacsan jirey.

 

Somalidiasporanews.com

Axmed Cumar Axmed (timo)

Hargeysa/Somaliland.

Mawliidguure@yahoo.com

 

Comments are closed