Uncategorized

Mucaaridka Jabuuti ee Xabsiyada dalka ku jira oo diiday Raashinkii

Jabuti April 08,2013(SDN)-Maxaabiista Siyaasadeed ee dalkan Jamhuuriyada Jabuuti ayaa dhawrkii maalmood ee u danbeeyay raashinkii ka caagay ka dib kolkii ay maxkamada dalka garsoorkooda ka quusteen.

Maxaabiistan oo ay ka mid yihiin Afhayeenka dalada mucaaridka Jabuuti ee USN isla markaana ah madaxa xisbiga dalka laga mamnuucay ee MRD Dahir Axmed Faarax iyo sadex wadaad oo Jabuuti caan ka ah ayaa si weyn looga hadal hayaa dalka.

Qoysaska maxaabiistan ayaa la arkayay iyaga oo hor taagan xabsiga oo sheegaya in ay ragani diideen raashinkii gebi ahaanba.

Dalaka Jabuuti ayaa ku jira xaalad siyaasadeed oo cakiran ka dib doorashooyinkii Baarlamaanka ee bishii labaad ee dalkan ka dhacay.

Mucaaridka Jabuuti ayaa qaadacay natiijooyinkii doorashooyinka ee ay xukuumadu shaacisay.

Mucaaridka Jabuuti ayaa haatan qorsheynaya in ay soo dhisaan dawlad KMG ah.

Dawlada Jabuuti ayaan ilaa iyo haatan ka hadal maxaabiista Raashinka diiday ee ku jira xabsiyada.

SDN-Jabuuti

contact@somalidiasporanews.com