|

”Kuwa Muuse Biixi Reernimada Ku Difaacaya Waxaan Leeyahay Cidna Kama Xigtaanee U Daaya Shacabkiisu Ha Xagxagtaanee..” Mustafe Shiine

Hargaysa 28. November 2017 (SDN/QJ):-Mustafe Cabdi Ciise Shiine Badhasaabkii hore ee gobalka Maroodi-Jeex waxaa uu fariin u diray dad uu sheegay in ay madaxweyne Muuse Biixi ka difaacayaan eedo iyo mucaaridad kaga imaneysa deegaano ama ashqaas gaar ah.

Mustafe Shiine oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebok-ga waxaa uu dadkaas kula taliyey in aaney Muuse Biixi cidna ka difaacin oo aaney cidna ka xigin maadama oo uu maanta yahay madaxweyne qaran waxaana uu yidhi

 

“Si kasta oo wax looga tirsaday qaabkii doorashadu u dhacday, maanta Madaxweynaha qarankani waa.Md. Muuse Biixi Cabdi, balse taasi micnaheedu maaha, yaanu madaxweynuhu yeelan mucaaridad kaga iman karta kooxo, deegaamo, ashqaas ama ururo.

Intaan aqaan waa masuul noloshiisa intii badnayd mucaaridnimo ku soo qaatay oo yaqaan xaqa mucaaridka iyo sida uu ula macaamili karo.

 

Haddaba kooxaha taageersani hogaamiyaha qarankani cidna kama xigtaanee u daaya shacabkiisu ha xagxagtaanee, kuwa maanta wax ka sheegaya ayaad arki doontaan, iyagoo idiinka difaac badanee, gaar ahaan qoloda reernimada ku difaacaysa waxaan lee yahay”waad ku mahadsan tihiin inaad doorataan, laakiin maanta waynoo wada madaxweyne”

 

Qaran keliya ayaynu nahay.

Comments are closed