|

Laba Maxbuus oo Xabsiga Dhaxe ee Burco ugu Geeriyooday Cudurka Shuban Biyood+ Tiro Maxaabiis ah iyo Qaar Ka Mid ah Ciidanka Ilaalada oo uu Soo Ritay Xanuunkaasi

Hargaysa 28. May 2017 (SDN/QJ):- Laba maxbuus oo ka mid ah maxaabiista ku xidhan xabsiga dhaxe ee magaalada Burco, ayaa geeriyooday ka dib markii uu haleelay cudurka Shuban-biyoodka oo dhex-dilaacay xabsigaasi.

Sida ku xusan waraaq cadeynaysa dhacdadan oo uu ku saxeexan yahay wasiiru-dawalaha wasaaradda Cadaaladda Somaliland, ayaa sheegaya in sida oo kale uu xanuunkaasi soo ritay Maxaabiis kale oo tira badan iyo weli ba sida oo kale qaar ka mid ah ciidanka Ilaalada Maxaabiista ee loo yaqaano Asluubta oo halkaas ka shaqeynaayey.
Ugu dambeyntii, wasiirku wuxu ku sheegay waraaqdiisa in ay iskaashi badan oo ay la sameeyeen wasaaradda Caafimaadka Somaliland ay wakhti xaadirkan ku guuleysteen hakinta in xanuunkaasi uu ku sii dhex fido xabsiga dhaxe ee magaalada Burco.

Comments are closed