|

Laba Shil oo Khasaare Nafeed Sababay oo Maanta ka Dhacay Jidka Isku Xidha Magaalooyinka Berbera Iyo Degmada Sheekh

Degmada Sheekh 12.Sep 2016 (SDN/QJ):-Laba Shil Baabuur oo Khasaare Nafeed Gaystay ayaa Maanta ka dhacay Duleedka Degmada Sheekh.

SHIL BAABUURShilka 1aad ayaa ka dhashay Kadib markii ay isku dhaceen Gaadhi nooca loo Yaqaano Dukhaanka iyo Baabuur Kuwa qaadka ah,Waxaana ku dhaawacmay Sadex Ruux oo dhamaantoodba Saarnaa Gaadhiga Dukhaanka Kuwaas oo laba Ka Mid ahi ahaayeen Askar ka Tirsan Ciidamada.

Sidoo Kale Gaadhi Noociisu yahay Raaxo Taxi ayaa ku dhacay agagaarka Dawga Sheekh,Gaadhigan oo ay Saarnaayeen 4 Qof ayaa Mid ka Mid ahi Geeriyooday Halka Sadex Kalena ku dhaawacmeen

Warkan oo Shabakada Qurbejoog ka soo Xigatay  Madaxa Waaxda Xog Ururinta ee Wasaarada Caafimaadka C.laahi Cabdi Yuusuf ayaa intaas ku daraya in Dadka Shilalkan ku dhaawacmay lagu dawaynayo Cisbitaalka Degmada Sheekh ee Gobolka Saaxil.

Comments are closed