|

Murashixii Xisbiga Dimuquraadiga Hillary Clinton oo Xannuun Ku soo Booday Xili ay ka qayb gashay 15 Guuradii Qaraxyadii New York,Nooca Cudurka Haleelay Iyo Warbixinta Xaalada ay Ku Sugan Tahay DAAWO

New York 12.Sep 2016 (SDN/QJ):-Dhakhtarka gaarka u ah haweeneyda Musharaxa u ah Xisbiga Dimuqraadiga Dalka Maraykanka ayaa sheegtay in Hillary Clinton ay qabto cudurka qaar-jeexa Ama Oof Wareenka Waxaana Si deg deg ah Looga Qaaday Goobtii Xuska 11 September ka Socday  loogaga qaaday munaasabad lagu xusayay weerarkii lagu qaaday Maraykank 9/11.

hillary-clinton-oo-xanuun-ku-dhacayMuuqaal video ah ayaa laga daawaday iyadoo ay caawinayaan kalkaaliyaasheeda ayna awoodi weyday in ay keligeed ay fuusho gaarigeeda waxaana muuqaalka laga arkay iyadoo dhulka ku dhacaysa lagana soo qabanayo garbaha.

Dr.Lisa R. Bardack ayaa soo saartay qoraal loogu sheegayo kooxda u ololeynaysa Mrs Clinton inay baadhitaan ku sameysay ayna ku ogaatay in xanuun sambabada ah uu jiro ayna u qortay daawooyin ayna waajib tahay in ay nasato dhowrka maalmood ee soo socoda.

‘Mrs Clinton waxaa hayay qufac ka dhashay aleerjik Jimcihii markii aan baadhitaan ku sameeyay balse markii aan qiimeeyay waxaa sii kordhay qufacii waxaana uu noqday qaar-jeex,(Oof Wareen) waxaan u qoray dawada caabuqa ka hortaga ama antibiotics waxaana aan ku talinayaa inay nasato oo dib loo eego qorshayaasheeda maalmaha soo socda.” Ayaa lagu yidhi warbixin ay dhakhtaradu soo saartay.

“Dhacdadii saakana waxa ay ahayd in uu fuuqbax ku dhacay kuleyl xoogan oo jirey awgeed, hadda waan baadhay waana la fuuq celiyay si wanaagsana waa ay u soo kabanaysaa.”ayay sii raacisay dhakhtarada.

Comments are closed