|

Labada Mas’uul ee Ugu Sareeya Komiishanka Doorashooyinka Qaranka oo Socdaal ku Tegay Magaaladda Laascaanood DAAWO

Laascaanood 23. July 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha gudida Doorashooyinka qaranka JSL Mude. Cabdiqaadir iimaan warsame iyo wafti uu hogaaminaayo ayaa gaadhay gobolka Sool.

 

Guddoomiyaha iyo waftigiisa oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay safarkooda oo ku saabsan diyaargarowga qaybinta kaadhka codbixinta oo dhawaan ka bilaabmi doonta Gobolkaasi.

 

 

Guddoomiye Cabdi qaadir iimaan waxa uu bulshada gobolkaasi ka codsaday in ay u diyaar garoobaan qaadashada kaadhka codbixinta doorashooyinka Somaliland, waxa ay kulamo la yeesheen maamulka gobolka iyo saraakiisha amniga iyaga oo ka wada hadlay sidii ay ugu iyaar garoobi lahaayeen hawsha balaadhan ee ka bilaambi doonta gobolkaasi dhawaan ee qaadashada kaadhka codbixinta.

Comments are closed