|

“Maanta Waxaanu Rabnaa Tartan Qoomiyad Ku Dhisan Oo Aan Qabyaalad Ku Dhisneyn Oo Is Dhex-Galkii Umada Soo Celiya Iyo Magoolkii Aan Idhuhu Ka Daaleyn Ayaanu U Soo Bandhigeynaa” DAAWO

Hargaysa 23. July 2017 (SDN/QJ):- Xildhibaan Maxamed Faarax Qabiile kana mida xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ayaa xisbiyada u soo jeediyay inay la yimaadan tartan aan qabiil ku dhisneyn .

Xildhibaan Maxamed Faarax isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Hadii maanta dhakhtarkii dadka daweynayay yidhaaho reer hebel qalimaayo shahaadada in laga qaado ayay noqoneysaa waxaa taa ka dhigan nin ku hamiyay inu qabto hogaan umadeed,oo jirdiidkiisu, qabil sida loo abaabula waa si fudud laakiin ninowna ha gaadhsiin meel aanad ka soo celin kareyn adiguna naftaada hakula habsaamin waa waano guud”

 

“Maanta waxaanu rabnaa tartan qoomiyad ku dhisan oo aan qabyaalad ku dhisneyn oo is dhex-galkii umada soo celiya iyo magoolkii aan idhuhu ka daaleyn ayaanu u soo bandhigeynaa”

Comments are closed