|

Liis ku Meel Gaadh ah oo noqonaya Gudida Olombikada Qaranka Somaliland oo la Shaaciyay

Hargaysa 19.Dec 2013 (SDN)- Wasiirka wasaarada Ciyaaraha ,dhalinyaradda iyo dalxiiska   mudane: Cali Siciid Raygal  ayaa maanta si ku meel gaadha ah u shaaciyey liiska xubnaha  Guddida Olimbikada  ciyaaraha Qaranaka Somaliland oo ka koobnaan doona todoba xubnood

Wasiirka CiyaarahaWasiirka wasaaradda ciyaaruha oo shir jaraaid ku qabtay xafiiskiisa ayaa wuxuu Kaga waramay in maanta ay si ku meelgaadh ah u magacaabayaan Guddidii Olimbikada ciyaaraha Somaliland, Guddidan oo ka kooban Toddoba xubnood oo ay magacyadoodu kala yihiin sidan :

1=Gudoomiye xasan maxamed Cabdalla  {xasan waraabe cade}

2= Gudoomiye ku xigeenka kowaad C/raxmaan  maxamuud dhoore

3=Gudoomiye ku xigeenka labaad  Yaasiin Qalinle kaahim

4=mubaarik faarax yuusuf {xadhigle}    [xoghayn]

5=Siciido C/raxmaan jaamac      {xubin }

6=cali jibriil yoonis    {xubin}

7. maxamed sacad Buuni{xubin}

Dhinaca kale wuxuu wasiirku shaaca ka qaaday in somaliland ay maanta marayso heerkii ugu sareeyey dhinacyada Horumarka iyo waxqabadka,gaar ahaan dhinaca dhalinyarada iyo ciyaaraha,waxaanu wasiirku farta ku fiiqay inay lagama maarmaan noqotay xiligii la magacaabi lahaa Guddidan olimbikada qaranka,waxaanu intaa ku daray wasiirku in ujeedada gudidan loo magacaabayaa ay tahay in la helo sharciyo lagu doorto gudidyda kala duwan ee ciyaaraha sidaa darteed xiligan la joogo xiligii ku haboonayd ee la magacaabi lahaa.

Guddidan ayaa waxay shaqayn doonaan muddo hal sano iyo badh ah ,waxaanay qaban doonaan muddada ay samayn doonaan  shuruucdii  kala duwanayd  ee ciyaaraha Somaliland diyaargareynta  doorashooyinkii xidhiidhada kala duwan ee ciyaaraha ,waxaanay xidhiidho la samayn doonaan   Hay-adaha caalamiga ah ee shaqada ku leh dhinacyada ciyaaraha.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed