|

Loollanka Labada Musharrax Ee Mansabka Madaxweyne Xigeenka Xisbiga Waddani Oo Meel Xasaasi Ah Maraya Iyo Gudi Isu Xilqaantay Inay Labada Murashax Kala Reebaan Ka Hor Codaynta

Hargaysa 21.October 2016 (SDN/QJ):- Labada musharax ee u tartamaya kursiga madaxweyne ku xigeenka xisbiga waddani axmed muumin seed iyo Dr Maxamed Cal Cabdi ayaa loolankooda Labadii Caano maal ee u Danbeeyay si weyn looga dareemayay Shirkii koowaad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga WADDANI, Waxaana si weyn loo saadaalinayaa inuu Labadaasi nin uu dhex maro Tartan culus oo ku aadan Hanashada Kursiga Ku Xigeenka Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbigaas Iyadoo Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro aanay Jirin Cid Mansabkaas Kula Tartamaysa.

murashixiinta-madaxweyne-ku-xigeen-ee-waddaniTaageerayaashii faraha badnaa ee labadii cisho ee u danbeeyay ka soo qayb galay Shirkii Golaha Dhexe Ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ee doraad ka furmay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa iyo Xubnihii Golaha Dhexe ee Goobtaasi ku dhex sugnaa ayaa si weyn looga dareemayay sida ay u kala taabacsan yihiin Labada Nin ee Isku gobolka ka soo wada jeeda ee Maxamed Cali Cabdi iyo Axmed Muumin Seed ee ku hirdamaya Kursiga Madaxweyne Ku xigeenka Xisbigaasi.

Waxa shirkan ka dhex socday Dhaq dhaqaaqyo badan oo isku lidi ah oo labadaasi musharaxa kala taabacsanaa oo koox waliba dhinaceeda olole ugu jirtay sidii ay Codad iyo Taageerayaal ugu hili lahayd Musharaxooda.

Labadan Musharax ayaan iyaga laftoodu dhaq dhaqaaq yarayn oo laga dareemayay Kurbo gaar ah oo haysa,maadaama oo ay maalin uun ka xigto Maalintii lakala saarayo ee ay kala Calaf Qaadayaan,waxaana wajiyadooda laga dheehanayay Dareen gaar ah oo wal wal leh.

Dadkii Munaasibadaasi ku sugnaa ayaa qaarkood qarsan kari la’aayeen Taageeradooda ku aadan Musharaxiintan waxaanay koox waliba dhinacooda carabka ugu adkaynayeen sida uu musharaxa ay taabacsan yahay taageerada u haysto.

Dhinaca kale,Warar hoose oo wargeyska Foore helay ayaa tibaaxaya inay Jiraan dhaq dhaqaaqyo ka dhex socda Xisbiga gudahiisa,kuwaasi ku aadan in labadan Musharax la sii kala reebo ka hor intaanay Gaadhin Beri oo Sabti ah oo ay dhacayso Codaynta lagu kala saaro labadani Musharax,Waxaana la sheegay inay Hawsha ugu culus wadaan Rag door ah oo aad uga taxadirsan oo ka baqe qaba in laga faa’iidaysto Tartanka labadan Masuul oo Xisbiga ay u soo jiido Xag xagasho loogu soo gabanayo loolanka labadan Musharax dhex maraya.

Comments are closed