|

Shirkii Kowaad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani oo Lagu Falanqeeyay Barnaamijka Xisbiga Iyo Lafo Gurka Xildhibaan C.qaadir X.Ismaaciil Jirde DAAWO

Hargaysa 21.October 2016 (SDN/QJ):- Shirkii golaha dhexe ee Xisbi mucaarad ka ah ee WADDANI oo ay ka soo qayb-galeen marti sharaf kala duwan iyo ergooyinka golaha dhexe ee Xisbiga WADDANI,kuwaas oo tiradoodu kor u dhaafaysay ilaa 550 ergay.
unnamed-89Xisbiga WADDANI ayaa shirkaas ku soo bandhigay barmaamij siyaasaadeedkiisa uu ku gelayo doorashada fooda inagu soo haysa,waxaana loo qaybiyey dadkii ka soo qayb-galay shirkaasi buuga uu ku qoranyahay Barmaamij Siyaasadeedka Xisbiga WADDANI,iyadoo qof iyo hal buug la siiyey,isla markaana laga codsaday in akhriyaan oo ay wixii khaldan u soo gud-biyaan masuuliyiinta Xisbiga WADDANI.
Dhanka kale Xildhibaan C/qaadir Jirde , Xildhibaan Rayte ,Marwo Faadumo Siciid Iyo Dr Fadal oo kamid ah masuuliyiinta Xisbiga WADDANI ayaa si qoto dheer u sharaxay Barmaamij siyaasadeedka Xisbiga WADDANI iyagoo ku dheeraaday,waxaanay ugu baaqeen aqoonyahankii ka soo qayb-galay shirkaas in ay soo dhaweynayaan cid kasta oo wax ku kordhinaysa waxna ka saxaysa barmaamij siyaasadeedka Xisbiga WADDANI.
Sidoo kalena waxa isna halkaasi ka haddlay siyaasi Ex Wasiir Maxamed Biix Yoonis oo kamid ah isna haldoorka Xisbiga WADDANI,waxaanu hamabelyeeyay masuuliyiinta loo xil saaray ee ka soo shaqeeyey barmaamij siyaasadeedka Xisbiga WADDANI martisharaftii iyo aqoonyahankii lagu soo casuumay shirkaasi.
Geesta kalena waxa halkaasi ka hadlay qaar kamid ah aqoonyahankii dhalinyaradii haweenkii lagu casuumay madashaasi,kuwaas oo hamalyeeyay boggaadiyey-na barmaamij siyaasadeedka Xisbiga WADDANI uu soo bandhigay,waxaana xusid mudan in ay talooyin wax ku mihiim ahna u soo jeediyeen Xisbiga WADDANI,halka ay qaarkood su’aalo ka weydiyeen masuuliyiintii meesha fadhiyey ee Xisbiga WADDANI,kuwaas oo ay masuuliyiinta Xisbiga ka qanciyeen.

Comments are closed