|

”Ma Doonayno Mudo Kordhin Dheer” Gudoomiye C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro DAAWO

Hargaysa 21. Janaury 2017 (SDN/QJ):-Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa si aada ugu dheeraaday dareenka naxariiseed iyo dad jacaylnimo ee Xisbiga WADDANI uu u muujiyey dadka dhibbaateysan ee ay abaarahu hayaan, waxaana uu tilmaamay in ay meel adag iska taageen in xiligan maadaama lagu jiro xaalad abaareed oo aad u adag aanay suurto-gal ahayn in Doorashadu qabsoonto, waxaana uu si aada ugu mahad-celiyey Xisbiga mucaaradka ah ee UCID oo uu sheegay in uu arrinta abaaraha ay isku fikir ka noqdeen, waxa se uu Xisbiga KULMIYE ku dhaliilay in uu taakuleynta iyo gurmadka abaaraha uu ka door-bidey in dalku uu galo Doorashooyin.

Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa hadalkan ka jeediyey xaflad Xisbiga WADDANI uu ku soo dhaweynaayey haween-weynaha degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa, waxaana uu si aada u sheegay in Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumaddiisu aanay ilaa hada soo bandhigin qorshaha ay ka lee yihiin muddo kordhinta loo sameynaayo Xukuumadda iyo inta ay tahay ba, waxaana khudbaddiisii ay u dhigneyd sidan:

Mudaneyaal iyo Marwooyin ba, waxa aan idiin sheegayaa in Xisbiga WADDANI uu yahay xisbiga kaliya ee u diyaar garoobay Doorasho, laakiin marka uu arkay xaaladda uu shacabkiisu ku sugan yahay ka damqaday soona jeediyey in aanay suurto-gal ahayn in shacabkeenii oo abaaro u dhimanaya oo biyo la’aan u dhimanaaya oo dayac iyo dhaxan ba u dhimanaaya in xiligan aanay suurto-gal ahayn in ay dhacdo Doorasho. waxaana Ilaahay mahaddii ah in labada Xisbi mucaarad ay arrintaas iskaga mawqif noqdeen soona jeediyeen in laga wada-tashado abaarta iyo Doorashada, waxa Ilaahay mahaddii ah in Xukuumadda, Madaxweynaha iyo Xisbiga KULMIYE na ay nagu raaceen in aanay suurto-gal ahayn in Doorasho la qabto 28ka March 2017ka.

Ma dooneyno muddo kordhin dheer oo inagu weligeen ba mabda’ iyan waynu ka soo horjeednay muddo kordhin, laakiin waxa aynu eegeynaa mudada ugu kooban ee aynu xaaladdan kaga bixi karno, labada Xisbi mucaarad na waxa ay soo jeediyeen in mudada ugu yar ee xaaladdan laga ga bixi karaa ay tahay Lix bilood, weli soo jeedin laga ma hayo Xisbi xaakimka iyo Xukuumadda, waxa aan rajeynaynaa dee haddii aanay mawqif kale haynin in ay kaayaga nagu raacaan.

Siddii hore ba aan baaqa ugu diray waxa aan halkan mar kale aan baaq uga dirayaa dhammaan ba shacabka Somaliland, gaar ahaan taageerayaasha baaxadda weyn ee Xisbiga WADDANI ee kala jooga gudo iyo dibad ba in ay ka qeyb-qaataan gurmadka abaaraha iyo waxyeelada soo gaadhay shacbiga reer Somaliland ee ku kala filiqsan dhammaan goballada jamhuuriyadda Somaliland, waxa aan u soo jeedinayaa in qof walba uu kaga qeyb-qaato wixii awoodiisa ah kii lacag helaaya, kii maryo helaya iyo weli ba kii raashin helaaya in intu ba ay ka qeyb-qaataan gurmadka abaaraha dadku ku tabaaloobeen, waxaana aynu Ilaahay ka baryeynaa in uu abaarta inaga soo jebiyo, waxa Ilaahay aynu ka baryeynaa in uu roob khayr qaba inoo keeno .

Waxaanu idiin sheegaynaa in dembigii lagu xidhay Ambassador Safiina ee lagu eedeyey aanu ahayn Baasaboor ee uu ahaa argagaxiso, arintaana Xisbigu wuxu u xilsaarayaa garyaqaano arintaas daba-gala oo soo ururiya oo xogta soo bandhiga, xogtaas na waxa aan u gudbin doonaa meel kasta oo ay ku munaasib tahay  oo uu ugu sareeyo Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland.

Comments are closed