|

‘’Ma Jirto Wax Magacaabis ah oo ii Dhiman Xukuumadaydu way Dhisan Tahay Dhamaanteed Agaasimeyaashuna….’’ Waraysi Madaxweyne Muuse Biixi DAAWO

Hargaysa 24. January 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Waraysi dhinacyo badan leh waxa uu Siiyey Weriyaha Idaacada VOA ee Somaliland Barkhad Maxamud Kaariye.

Su’aalaha Xiisaha leh ee Waraysigan Ku Jira waxaa ka mid ah Waxa uu Madaxweynuhu ka yeelayo dadka xukuumaddii hore la soo shaqeeyay ee wali xilalka haya? Miyaa la beddelayaa?

-Maxay gaar uga wada hadleen Madaxweyne Muuse iyo hoggaamiyayaasha dalalka Jabuuti iyo Itoobiya?

-Maxaa keenay in madaxweyne Muuse safarkii ugu horreeyay ugu baxo Jabuuti?

-Sidee ayuu madaxweynuhu ugu talogalay jihaynta dhallinyarada?

-Maxaa keenay in xeerarka qaarkood, sida ka Booliiska iyo Saxaafadda, loo fulin waayay?

-Maxaa qorshe ah xidhiidhka Somaliland iyo Somalia?

-Maxaa Uga Meel Yaalla Madaxweynaha Kala-Xadaynta Maamulka Dawladnimo Iyo Qoyskiisa?

Comments are closed