|

Maalin madoow ayay u tahay Soomaaliya iyo kumanaankii Soomaaliyeed ee Ethiopia xasuuqdey, kufsatay, islamarkaasina jirdil ku samaysay. Waxay Ethiopia heysataa dhulkeena Ogadenia, waxaase muruge leh in siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin in ay u rukuucaan, oo ay labada dhinac ka shumiyaan Ethiopia.

Maalin madoow ayay u tahay Soomaaliya iyo kumanaankii Soomaaliyeed ee Ethiopia xasuuqdey, kufsatay, islamarkaasina jirdil ku samaysay. Waxay Ethiopia heysataa dhulkeena Ogadenia, waxaase muruge leh in siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin in ay u rukuucaan, oo ay labada dhinac ka shumiyaan Ethiopia. Xusuuso geeridii Males Zanawi, siyaasiyiinta Soomaalida waxay ku barooranayeen aaskiisa, iyaga oo aanan marnaba wax xushmad u muujinin sharafta iyo karaamada dadka Soomaaliyeed ee dhimanayay. Waxay sharaf dhac ku yihiin qarankeena Soomaaliyeed, iyaga dartoodna dhiigga Soomaaliyeed waa mid si isagoon micno lahayn la daadinayo. Illaa aan dadkeena wacyigalin u samayno, marnaba nabad u heli meyno Soomaaliya, askarta Soomaaliya waxaa la siiyaa kumiyo, halka askariga Ethiopia uu bishii qaato $1500 doolar iyo waliba dul socod kale, iyada oo ay sidaasi tahayna dowladda waxa ay askarta ka fileysaa in ay qaranka difaacaan, iyagoo la siiyo $50 doolar bishii iyo $20 doolar oo raashiin ah. Mooraalka iyo niyadda askarta Soomaalida wuxuu joogaa halkii ugu hoseysey ebed, ma heystaan qalab ku filan oo ay isaga difaacaan halista Alshabaab. Ethiopia oo boqolaal ciidamo ah geysey Soomaaliya Dowladda Ethiopia ayaa boqolaal askarteeda ah ku daabushey gudaha Soomaaliya si ay gobolada Bay iyo Bakool oga tirtirto ciidamadda Alshabaab, sidaasi waxaa sheegey sargaal hadlay. Ciidamadda ayaa gaaray magaalada Baydhabo, xarun goboleedka Bay, iyaga oo halkaasi fariisin weyn ka samaystey. Ku xigeenka guddoomiyaha Bay Shiine Macalin Nuuroow ayaa warbaahinta maxaliga ah u sheegey in ciidamadda Ethiopia ay gacan ka geysan doonaan qorshaha dowladda ee ah in Alshabaab goboladaasi laga sifeeyo. Nuuroow ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah, balse illo wareedyo Soomaali ah waxa ay sheegayaan in ciidamadda Ethiopia ay qorshaynayaan in todobaadyadda ugu horeeya sanadka cusub ay goboladaasi ka saari doonaan Alshabaab. Shir dib u heshiisiin ayaa ka socda Baydhabo, iyada oo odayaasha deegaanka laga filayo in ay soo dhisaan maamul goboleed xukumaya sedexda gobol ee kala ah Bay, Bakool iyo Shabeeladda Hoose. Tiro aanan la ogeyn oo ciidamada Ethiopia ah ayaa ku jirey Soomaaliya illaa sedexdii sanno ee lasoo dhaafay, saraakiisha Addis Ababana waxa ay sheegeen kol hore in ciidamada la geynayo Soomaaliya ay muddo cayiman joogayaan.

Abdihafid Mahamud London

Comments are closed