Uncategorized

Maamul-gobolleedka Puntland oo qirtay xaddiga khasaare ee ka soo gaadhay gacantii ay Maleeshiyada Buuhoodle ka siiyeen dagaal ay ciidanka Qaranku ku jabiyeen

Hargeysa 04, April 2012 (Qurbejoog.com)- Maamul-gobolleedka Puntland oo hore u sheegtay in ciidankoodu ka barbar dagaalameen maleeshiyaadka Buuhoodle ee 1-dii bishan ay ciidanka qaranka Somaliland dagaalka kula galeen degaanka Sool-joogto, ayaa qiratay xaddiga khasaare ee ka soo gaadhay gacan-siintii maleeshiyaadkaas.

Wasiirka Kalluumaysiga Puntland Mr. Maxamed Aaden Faarax, ayaa ka hadlay khasaaraha dhinacooda ka soo gaadhay jabkii ay ciidanka qaranku u gaysteen maleeshiyaadka Khaatumo taageerta ee degaanka Buuhoodle. “Anaga dhinacayaga waxa dhintay 6 qof, shan qofna way naga dhaawacmeen,” ayuu yidhi wasiirka Puntland. Wuxuuna intaa ku daray, in dhaawacyada askartooda ka gaadhay dagaalkaas uu yahay mid sahlan. “Ninka dagaalka galaana wuu dhintaa oo khasaaruhu isaga uun buu soo gaadhaa. Way iska muuqataa hal gaadhi ciidanka Daraawiishta Puntland lahaayeen waa lala wareegay,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Warka wasiirkan Puntland oo ay faafiyeen warbaahinta maamul-gobolleedkaas, ilaa hadda ma cadda sugnaantiisu, mana jiro wax war ah oo ay dawladda Somaliland ka soosaartay dhawaaqa ka soo yeedhay Puntland ee ku saabsan in ciidankoodu garan siiyeen maleeshiyaadka nabad-diidka ah ee Buuhoodle.

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com