Muqdisho April 04,2012(SDN)-Kooxda Al Shabaab ee ka dagaalanta dalka Soomaaliya ayaa sheegatay Qaraxii maanta Muqdisho ka dhacay ee lala beegsaday madaxda dawlada oo kulan ku lahaa Gollaha Murtida iyo Madadaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa ay dawlada KMG ahi sheegtay in ay fulisay haweeney sheegatay in ay uur leedahay oo aan si wanaagsan loo baadhin.
Kooxda Al Shabaab ayaase sheegtay in qaraaxaasi aanu aheyn mid ismiidaamin ahaa ee uu ahaa walxaha qarxa oo halkaa ay ku aaseen maalmo ka hor.
Si kastaba ha ahaatee qaraxii maanta ee Tiyaatarka Muqdisho ayaa sababy in dad badan oo qabay in xaalada amaan ee Muqdisho la isku haleeyn karo candhuuftooda dib u liqaan.
SDN-Muqdisho
