|

Maansada Gurmad,Dardaarankii Gaariye iyo Sawirka Maanta Taagan DAAWO

garHargaysa 31.May 2014 (SDN/QJ)- Ilaahay ha u Naxariistee Marxuun Hal abuur Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye ayaa Maansooyinkii u danbeeyay ee ayaamihii Noloshiisa Waxaa ka Mid ah Maansada Gurmad Waxay Sawir dhab ah ka bixinaysaa Ifafaalaha Maanta Somaliland ka Taagan Gaar ahaan Sida ay Fiintu u dhex miranayso Saaxiibo Halgan dheer soo wada galay oo Isku Maandhaafay Hankooda Siyaasadeed.

Baydadka Dahabiga ah ee Xaalada Maanta Muujinaya Waxaa ka Mid ah

Rag uu Ka Dhexeeyay Geel,

Haduu kala Geeyo Damac,

Waxaa isu gaysa dane’e,

Aloow Garansii Nin Moog!!!!

Mar kalena Waxa uu Yidhi Guule ha U Naxariistee Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye

Adoo Wax ka Gaws qabsaday,

Marbaa Gefka loo Liqaa,

Inaan Danta Guud Murkacan.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed