|

Macluumaad Muhiim ah oo Laga Soo Xigtay Sirdoonka Maraykanka oo Sheegay in Imaaraadku uu Lahaa Fikirka ay Dalalka Khaliijku Xidhiidhka ugu Jareen Dalka Qatar

Washington 21. July 2017 (SDN/QJ):- Wargeyska Washington Post oo soo xiganaya saraakiil Sirdoon ah ayaa qoray in 24-kii bishii May la qabsaday wakaaladda wararka Qatar, kadibna lagu daabacay hadallo loo tiriyey amiirka dalkaas Sheikh Tamim Bin Hamad al-Thani, oo uu ku ammaanayo Iran iyo ururka Xamas, kuwaasi oo qiil looga dhigtay in xidhiidhka loo jaro Qatar.

Warbixinno ay soo ururiyeen sirdoonka Mareykanka ayaa lagu ogaaday in madaxda Imaaraadka ay 23-kii May ka doodeen arrintan, si qiil loogu raadiyo in xidhiidhka loo jaro dalka Qatar.

“Imaaraadka haba yaraatee wax lug ah kuma lahan afduubkan Internet ee la sheegay, balse waxaan shaki ku jirin in Qatar ay maal-geliso argagixisada” ayuu yidhi

Si kastaba, warbixintu waxay sheegtay in weli ayna kala caddeyn in Imaaraadka ay si toos ah ugu dhaqaaqeen afduubkan internet, ama ay adeegsadeen shirkado u fuliyo, hase yeeshee ay caddahay in qorshahan ay ayaga lahaayeen.

Safiirka Imaaraadka Carabta ee Washington DC, Yousef al-Otaiba, ayaa si kulul u beeniyey in dalkiisa uu ka dambeeyey arrintan.

Comments are closed