Muqdisho 02.Jan 2014 (SDN)- Taliyeyaashii saldhigyada booliska degmooyinka Wardhiigley iyo Shangaani ayaa ka mid ah dadkii lagu dilay weerarkii habeenkii Arbacada ka dhacay hoteelka Jazeera ee magaalada Muqdisho.
Labo xiddigle Mursal Showre oo ahaa taliyaha saldhigga degmada Shangaani iyo Gaashaanle dhexe Cabdiqani Axmed Gacal oo ahaa taliyihii saldhigga degmada Wardhiigley ayaa ka mid ah 11 qof oo ku dhimatay weerarka, sida uu Bar-kulan u sheegay taliyaha saadka ciidanka booliska Soomaaliyeed, Jeneraal Cabdullaahi Xasan Bariise.
Labada sarkaal ayaa la dilay iyagoo isku dayaya inay caawiyaan dhibbanayaashii qaraxii koowaad. Dhowr qarax oo is-xigay ayaa lagu weeraray hoteelka.
Jeneraal Bariise ayaa ka tacsiyeeyay geerida saraakiisha booliska, wuxuuna sheegay inay dhinteen iyagoo howl u hayay ummadda Soomaalida.
Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu qaaday hoteel Jazeera.
Waa markii labaad ee kooxda Al-Shabaab ay beegsatay hoteelka Jazeera oo caan ku ah siyaasiyiinta Soomaalida iyo dadka ajaaniibta ah.
Dabayaaqadii sanadkii 2012 ayay ahayd markii koowaad ee kooxda Al-Shabaab ay weerartay hoteelka, xilligaas oo uu hoteelka degganaa madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Toddobo qof ayaa lagu dilay weerarkaas.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com
