Nairobi Sept 05,2012(SDN)-Gudida la socodka cunaqabateynta hubka ee ay Qaramada Midoobey saartay Soomaaliya ayaa warbixin ay soo saareen waxa ay uga wareemaeen ciidamo gaar ah oo si weyn u tababaran oo shirkada Saracen ay u tababareyso madaxweynaha Puntland.
Saracen ayaa madaxweynaha Puntland u tababreysa ciidamada tiradoodu ay gareyso ilaa 1000 askeri oo ku qalabeysan gawaarida dagaalka iyo duyuurado sida ay QM shaacisay.
Madaxa shirkada amniga ka ganacsata ee Saracen iyo madaxweynaha Puntland ayaa labaduba heysta dhalasho dalka Australiy ah.
QM ayaa qaba in ciidamada loo tababrayo madaxweyne Faroole in ay yihiin barnaamijka labaad ee ugu balaaran ee ka socda dalka Soomaaliya,kolka laga yimaado AMISOM.
“Saracen iyo tababrada ay wado waxa ay amni xumo u horseedi karaan dhamaan gobolka”sidaa waxa yiri Matt Briyden oo ah madaxa kooxda la socodka cunaqabateynta Soomaaliya.
QM ayaa tiraba dhawr jeer codsiyo u diray shirkada Saracen,balse maraba kama soo jawaabin dalabaadka.
HALKAN KA DAAWO WARBIXINTA OO MUUQAAL AH
SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com
