Kampala Aug 05,2013(SDN)-Madaxda dalalka Ciidamadoodu ka tirsan yihiin ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya oo uu weheliyo madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulamo dhawr cisho qaatay oo ay ku yeesheen magaalada Kampala waxa ay ku goaansadeen in magaalada Kismaayo lagu wareejiyo dawlada dhexe ee Soomaaliya.
Madaxda Kampala ku kulmay ayaa kala ahaa Madaxweynaha Ugaandha Yoweri Musafeni,Kenya,Uhuru Kenyata,Raiisul Wasaaraha Itoobiye Hailamariam Desalegn iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale waxa kulamada Goob joog ku ahaa wasiirada Gaashaandhiga iyo madax sare oo ka kala socotay dalalka Sierra Leone,Jabuuti iyo Soomaliya.
Kulanka ayaa la isula qaatay sida Dastuurka Soomaaliya qabo in Garoonka Diyuuradaha iyo Dekedda Kosmaayo gacanta loo geliyo dawlada Soomaaliya.
Wasiirada Ariimaha Dibedda ee Soomaaliya Fowsiya Xaaji Adan ayaa sheegtay in dawladu wadahadalo kula jirto dhinacyada siyaasada isku haya ee Kismaayo ku wada sugan.
Kualanka ayaa sidoo kale la isula qaatay in la joojiyo dhoofinta dhxusha,degaanada Jubooyinkana maamulkooda loo daayo dawlada oo markaa diiwaan gelindoonya dhamaan meliishaadka ku sugan halkaa.
Madaxda Dawladaha Ciidamadoodu ka tirsan yihiin ayaa sheegay in ay tahay in loo hogaan samo goomaadii Gollaha amaanka ee Qaramada Midoobey.
Dawlada Kiinya oo gacan saar la leh meliishaadka Raaskaambooni ayaa culeys weyn haatan soo wejahay.
Raaskaambooni oo uu hogaamiyo Axmed Madoobe ayaa dhawaan Kismaayo uga dhawaaqay maamulka Jubaland.
Dawlada Kiinyana waxa ay xiriir dhaw la leedahay Axmed Madoobe iyo maamulkiisa,waxaaney dhawr jeer Kiinya ka hor timi awaamiir dawlada dhexe ka soo baxay.
SDN-Kampala
contact@somalidiasporanews.com
