Hargeysa Aug 05,2013(SDN)-Xukuumada Somaliland ayaa ilaa iyo haatan iska soo saari kari la cid ka jawaabta sababaha wasiirka arrimaha Guddaha Soomaaliya ugu sugan yahay magaalada Hargeysa.
Balse waxa maanta jawaabta Beeninta ee socdaalka wasiirka Soomaaliya ee Hargeysa isku qaaday Hawlwadeen ka tirsan wasaarada Duulista iyo Hawada Somaaliland.
Cabdilaahi Axmed Caarshe oo wasaarada Duulista u qaabilsan dhinaca Protocolka ayaa war uu soo saaray waxa uu ku yiri:
“Waxa mareegaha Somaliland ee wararka lagu baahiyey warar been abuur ah oo lagu sheegayo in wasiirka arrimaha gudaha dawlada Soomaaliya Cabdikariim Xuseen Guuleed, uu ka soo degay madaarka caalamiga ah ee Berbera, warkaasoo ah mid aan sal iyo raadtoona lahayn. Waxaanan odhan karaa waa warar lagu majara habaabinayo bulshada waxna loogu dhimayo jiritaanka qaranka, sidoo kalena waa arrin ceeb loogu raadinayo xukuumadda markii wax lagu eedeeyo la waayey.
Anigoo ka mid ah saraakiisha Wasaarada Duulista waxaan cadaynayaa in warkaasi yahay been madaarada oo aanu xukunno annaguna kama soo deign wasiirka ka tirsan dawlada Soomaaliya, waana arrin laga xishoodo in wax allaale wixii la doono laga faafiyo qaranka, waxayna u muuqato in aan waxba la xushmaynayn ee wixii la doono la qorayo.
Waxaan kula talinayaa warbaahinta in ay ka waan-toobaan beenta qaawan ee intaa le’eg, ayna ilaaliyaan anshaxa saxaafada, warbaahin badan ayaa arrintaa wax naga waydiiyey markii aanu u sheegnay in ay been tahay ma ay qorin, balse kuwo aan waxba na waydiin ayaa faafiyey wararkan been abuurka ah.”
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com
