|

Madaxda Soomaaliya Oo Cayil La Tiicaysa: ‘Tolow Maxay Liqeen? Yaase La Xisaabtama​?

Wadanka aan ku noolahay ee dalka Maraykanka, ayaa dadka cayilka faraha adag ku hayo ay u badan yihiin dadka tabarta daran ama faqrigu haleelay. Kuwaasoo cuntada ay cunaan ay tahay mid warshado diyaariyeen, iyada oo ku badan yihiin xayrta, waxyaabo laga sameeyo burcadka iyo ashyaa kale oo aan caafimaadka u roonayn.
Sidoo kale, dadka dhaqaaladahoodu sareeyo, ayaa lagu gartaa sida ay caateysan yihiin, kuwaas oo cuna cunto ay ku yartahay sokorta, xeerta iyo waxyaabaha kale oo lagu daro cuntada si ay ugu yeesho macaan xiiso leh, kuwaasoo ah kuwa lagu tuhunsan yahay in ay sabab u yihiin cayilka. Arimaha caawiya dadka taajiriinta ah, ayaa waxaa ka mida aaladaha loo adeegsado jimicsiga, si ay u gubaan qashinka iyo waxyaabaha uu jirkooda kaydiyey.
Dhinaca kale, dadka ku nool aduunka sedexaad ama wadamada soo koraaya, ayaa waxaa qofka aan waxba haysan lagu gartaa sida uu caato u yahay, oo ay u weheliso diif iyo dacdaro. Dadka aduunka sedexaad ku nool, oo ay faraha wax ugu jiraan, ayaad waxaad arkayasaa in ay dadka ka cayilan yihiin madaama ay awoodaan qutulyoon aan ku jirin wareer.
Kuwa qutulyoonkoodu uusan ku jirin jahwareerka, waxaa ka mida madaxda dalalka soo koraaya. Kuwaasoo markii xafiis qaran loo dhiibaba, isla markiiba u cayila si xad dhaaf ah, madaama ay naftooda ka hor mariyaan danaha dadwaynaha iyo mida qaranka. Taas oo ay sabab u tahay waxayaabaha loo yaqaan xatooyo xoolo qaran. Waxaana lagu baabi’inkaraa hadii ay timaado xisaabtan dhaba iyo dadka xilka qaadaaya oo loo sheego in ALLAH la xisaabtamaayo hadii ay ku tagri falaan xilka loo dhiibay.
Xatooyada xoolaha qaranka oo ah arimihii ay Soomaaliya la burburtey, sahlanayna dagaalkii sokeeye ee bilowday dabayaaqadii sanadkii 1990. Inkasta oo ay dowlada hada jirta iyo xatooyada hada jirta ay ka duwan tahay midii hore. Waxaase cad in maanta qalin wax lagu xado ama wax lagu cuno, iyada oo dadkaa u baahan sabab looga dhigo. Qalin wax lagu cuno, tusaale waxaa u noqon kara shirkii lagu qabtey dalka Turkiga – kaasoo lacagta ku baxday, laguna qarashgareeyey Diaspora aan wadanka war iyo wacaal u hayn, ay wax wayn ka badeli lahayd dhalinta Daljoogta ah, ee ku howlan dib u dhiska wadanka hooyo.
Waxaa soo aruuriyey: Mohamed Barre – Junlay ‘Buluf’, qoraa madaxbanaan, waxna ka qora arimaha Soomaalida, degana magaalada Minneapolis, MN – junlay99@aol.com

Comments are closed