|

R.W Cabdiwali “Geesiyaashii u huray naftooda in xoriyadda la helo, waxaa ka go’neyd midnimo iyo wadajirka Soomaaliya”

Muqdisho  June 30, 2014(SDN/QJ)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed, ayaa hambalyo ku aadan sanad guuradii 54aad ee ka soo wareegtay 1-dii Luuliyo 1960 u diraya dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dibedda iyo gudaha dalka.

“Waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan dal iyo dibedba. Waxaa leeyahay Hambalyo, waa maalintii laga xorroobay gumaysitihii Talyaaniga, waana midowgii waqooyi iyo koonfur” ayuu yiri Ra’isuul Wasaaraha oo dhanka kale sheegay in maalmo ka hor loo dabaal dagay 26-ka Juun 1960 oo ahayd maalintii ugu horreysay ee si xor ah calankeena looga taago ciidda Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha ayaa dhanka ka hadlay ahmiyadda ay leedahay maalintan qiimaha badan oo ah maalintii ay soo noqotay sharaftii iyo karaamadii ummadda Soomaaliyeed.

” Xornimada waxey ku timid naf hurid, halgan dheer, geesinimo, isku-duubni, midnimo iyo dadaal an kala joogsi lahayn oo ay muujiyeen shacabka Soomaaliyeed. Geesiyaashii u huray naftooda in xoriyadda la helo waxaa ka go’neyd midnimo iyo wadajir waara. Waajibka Soomaalinimo wuxuu na farayaa dhammaanteen inaan xusno, oo aan qadarino halgamayaashii naftooda u soo huray xuriyadda dalka Soomaaliya.. Shaki iigama jiro in Dalkayagu uu meel wanaagsan mari lahaa haddii aan ka bad-baadi laheyn burburkii, tafaraaruqa soo kala dhex galay shacabka Soomalaiyeed iyo dowlad la’aantii 23kii sano ee ugu danbeeyey. Sidaas daraadeed, waxaan ugu baaqayaa dhalinyarada Soomaaliyeed inay u istaagaan sidii aan waddankeena u badbaadin lahaayeen loona soo celin lahaa sharaftii, amnigii, kala danbeyntii, dowladnimadii iyo sidii Ummadda soomaaliyeed ay aayaheeda uga tashan lahayd”.

Ugu danbayntii, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay Bulshada Soomaaliyeed inay u istaagaan sidii ay u badbaadin lahaayeen midnimada iyo wada jirka una horrumarin lahaayeen dalkooda. Wuxuuna ugu baaqay kuwa wali wada colaadaha inay ka waantoobaan. Waxaa sidoo kale Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in Soomaaliya maanta uu soo baxay iftiin dawladnimo, sidaas daraadeedna loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo sidii dalku uga bixi lahaa dhibaatooyinka, iyo colaadiiha ragaadiyey.

SDN/QJ-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed