|

Xulalka Germany,France oo u Soo Baxay Quarter Final-ka Iyo Hadhaagii Africa oo Hadhuudhlaha Lagu Darey.(By Jaahuur)

images(2)Brazil-30-June-2014-(SDN) Akhyaartay qormadeena ciyaaraha waxayn ku soo qaadaneynaa koobka kubadda cagta ee aduunka kana socda carigaa Brazil ayaa wareegii labaad ee 16-ka xul iskugu soo hadheen durbadiiba 6-lix-ka dhaqaajiyeen.

Haddaba lixda ilaa iyo hadda quarter Final-ka u soo baxay waa Brazil,Colombia,Netherland,Costa Rica,France iyo Germany,waxaana soo sideedeyn doona Labada xul ee bari soo badiya,Argentin,SUI,USA iyo Belgum,haddii Alla ka dhigo.

Kulamadii galbta dhacay waxaa foodda isla galey France Nigeria iyo Germany iyo Algeria

Ciyaartii dhexmartey France iyo Nigeria oo runtii la islahaa Nigeria ayaa  soo baxaysa noqon weydey sidii la saadalinayey waxaana looga badiyey 2-0.

Ciyaartii kale waxaa madaxa isla galey Germany iyo Algeria Germany ayaa iyana ku badisey 2-1.

Barina waxaa la soo afjari doonaa wareeggii labaad waxana la guda gali doonaa Quarter Final=kii haddii Eebbe ina gaadhsiiyo.

W/qorey Jaahuur

SDN

jjaahuur@hotmail.com

 

Comments are closed