|

Madaxii Garsoorka Afgooye oo ladilay iyo Sarkaal Melleteri oo Beled Weyne Lagu Toogtay.

Muqdisho, 30,6,2015(QJ/SDN)-Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ladilay madaxii garsoorka maxkamadda degmadaasi xilli maalmo ka hor gudaha degmada lagu khaarijiyay madaxii canshuuraha.

Xoogag bastoolado ku hubeysan ayaa xaafadda Buunda Yareey ku dilay Maxamuud Burfaani oo heystay garsoorka daaquudka ah ee degmada Afgooye.

Goob joogayaal ayaa sheegay in raggii dilka gaystay ay goobta isaga baxsadeen mana jirin wax dabagal ah oo ay ku sameeyeen ilaalada sarkaalka ladilay.

Dhinaca kale wararka ka imaanaya magaalada Beled Weyne ayaa sheegaya in xoogag hubeysan ay bariga magaaladaasi ay ku dileen sarkaal sare oo katirsanaa melleteriga DF-ka.

Sarkaalka ladilay waxaa lagu magacaabi jiray Isxaaq Nuur wuxuuna wada shaqeyn dhow lalahaa ciidamada Itoobiya iyo kuwa Jabuuti ee ka taliya gobolka Hiiraan.

 

Comments are closed