|

“Annaga waxba yaanay noo dirin Guurtida iyagaa isxambaarsane, guurtida, dawladda iyo Wakiilladu way isxambaarsan yihiin, waa heshiis oo waa hal xisbi.”Eng. Faysal Cali-waraabe.

Hargeysa:June,30,2015(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Xisbiga  Ucid Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa ka falceliyey Mawqifkii ay maanta Xukuumadda iyo Xisbigeeda Kulmiye iska taageen Fulin la’aanta heshiiskii ay axsaabta mucaaridka la gashay.

ina cali waraabeFaysal Cali-waraabe oo maanta warbaahinta la Hadlay waxyar kadib markii ay xukuumaddu sheegtay inay heshiiskii taageersan tahay oo aanay ka bixin, ayaa sheegay in xukuumadda Marti loogaga yahay sidii ay heshiiskaas u hirgelin lahayd,“Beesha Caalamka iyo shacabka somalilannd waxay dawladda ka sugayaaan inay meelmariso heshiiskii, Mushkiladda ina haysataana waxa weeye markay dawladuhu dhacayaan waxay la collobaan Bulshada Caalamka, Dawladdeenuna waxay sas ka qaadday Bulshada Caalamka, waxase la ina leeyahay waar wixiina hagaajista.” Ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.

Faysal oo Hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in lagala soo hadlay dibu dhac iyo fashil ku yimi shirweyne loo doonayey in lacag loogu ururiyo Mashruuca Berbera Coridor, kadib markii khilaafkani soo kordhay, waxana uu yidhi,“xalayto waa la ila soo hadlay, shirkii lacagta loogu ururinayey Berbera Coridor oo ay ahayd inuu dhaco  Horraanta Bisha Jullly waa la Hakinayaa baa la yidhi, waxa loo hakinayaana waa shalay way inoo yimaaddeen deeqbixiyayaashii, markii ay inaga waayeen wax la leeyahay waar go’aankii heshiiskii waa la wadayaa ee hallagu hawlgalo”

Waxa uu Guddoomiye Faysal Xukuumadda uga digay inay culayska saaraan sidii heshiiskii ay galeen uga midho dhalin lahaayeen, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay Guurtida iyo xukuumaddu wali isku dhafan yihiin, waxana uu yidhi, “Dawladda waxan leeyahay isku noqda heshiiskaas aad gaadheen waa heshiis qarane dadka halloo tudho, maanta soomaali  innagaa ugu roon.maadaama ay leeyihiin heshiiskii waanu aydisannahayna annaga waxba yaanay noo dirin Guurtida iyagaa isxambaarsane, guurtida, dawladda iyo Wakiilladu way isxambaarsan yihiin, waa heshiis oo waa hal xisbi.”

 

 

SDN/QJ

Timo@qurbejoog.com

Contact@somaliasporanews.com

 

 

Comments are closed