|

Madaxtooyada oo faro maroorsatay qandaraaskii Waaheen iyo jawaabta Gollaha Degaanka Hargeysa

Hargeysa May 14, 2023 (QJ) – Madaxtooyada Soomaliand ayaa la sheegay inay si toos ah ula wareegtay bixinta qandraaska, naqshada iyo dhismaha suuqa waaheen, iyada oo aan gudidii dib u dhiska suuqa laga talogelin.

Warar ka agdhow guddida dib u dhiska ayaa noo sheegay in qoyska Madaxweynaha mudo dhaafka xilka ku jooga ay qandraaska dhismaha Waaheen ay u saxeexeen shirkad laga leeyahay dalka Koonfur Africa.

Dib u dhiska qeybta shicibka ee Suuqa Waaheen ayaa hore loogu kala baxay, oo waxa haatan si habsami leh u socda dhismaha qeybtaa ee suuqa Waaheen.

Halka farogelinta ugu badani ay haatan dul hoganeyso dib u dhiska dhsmayaashii dawlada hoose ee Hargeysa.

Nashaqado kala duwan oo hore ay u soo bandhigeen shirkado kala duwan ayaan la isla qaadan, ka dib kolkii qiimeeynta dhismayaashu noqdeen qaar aan loo babac dhigi karin.

Dib u dhiska qeybta suuqa ee Dawlada Hoose ee Hargeysa leedahay oo sidaa marxalado kala duwan u soo maray ayaa haatan khilaaf ka dhashay uu gaaray halkii u sareysay kadib tilabaadan ay qoyska Muuse Biixi ku bixiyeen qandaraas aaney ansixin guddida maareyneysa dib u dhiska Suuqa.

Xubnaha Dawlada Hoose ku metelaya Guddida dib u dhiska suuqa Waaheen oo uu horkacayo Duqa Magaalada Hargeysa ayaa haatan la sheegay in ay ka biyo diideen tilaabadan farogelinta ah.

Madaxtooyada Somalialand ayaase haatan la sheegay in ay wado kala furfurida Xildhibaanada Gollaha Degaanka.

Isweydiinta haatan socotaana waxa ay tahay madaxtooyadu ma ku guuleysan doontaa furfurka xildhibaanada haatan kuwada socda arinta Waaheen, halkeese looga soo dhici doonaa.

 

Comments are closed