|

Muuse Biixi oo gacan ula tegi gaaray ku-xigeenkiisa Seylici

Hargeysa May 11, 2023 (QJ) – Ilo wareedyo ka agdhow madaxweyne ku-xigeena ayaa nala wadaagay in Madaxweyne ku-xigeenka mudo xileedkiisii uu dhamaaday ee Somaliland uu la wadaagay qaar ka mid ah waxgaradka ka soo jeeda degaan doorashadiisa in Muuse Dhawaan uu dhawaangacantaula tagi gaaray.

Waxgaradka Awdal oo ula xiriiray Cabdiraxmaan Seylici sidii wax looga qaban lahaa xaalada murugsan ee Awdal iyo sarkaalkii dhawaanta lagu dilay Loowyocade ayaa arin yaab leh la wadaagay waxgaradka degaankiisa.

Ilo wareedyada ayaa intaa raaciyay in Madaxweyne ku-xigeenka laga soo xigtay in uu lafahiisa ula baxsaday kolkii xaalku halkaa gaaray.

Cabdiraxmaan Seylici  ayaa sheegay in uu Muuse Biixi kala hadlay sidii dalka loo dabaqaban lahaa isla markaana doorashadii Madaxtooyada loo qaban lahaa.

Muuse Biixi ayaa intuu fadhiga ka kacay dhankiisana u soo dhaqaaqay ku yiri waa ayo ninka aniga xilka igu qabsan kara ee ka soo jeeda beesha Isaaq? miyeey kula tahay in cidi kursiga ka kac i oran karta?

Seylici oo lafahiisa u baqday ayaa tolkiisa u sheegay in uu intaa ka dib “ceymaday”, intaana raaciayay in Muuse warkiisu cad yahay, oo aaney cidi uaga danbeyn doonin xilka.

Muuse iyo tageereyaashiisa beeleysan ayaa u muuqda qaar qaatay goaan ah in ay ama iyagu xukumaas Somaliland ama lagu kala dareero Somaliland.

 

Comments are closed