|

Muuse Biixi oo diiday in la qisaaso dablihii dilay taliyihii Lowyacado

Borama May 15, 2023 (QJ) – Wararka ka imanaya magaalada Boorama ayaa sheegaya in madaxda dhaqameedka Awdal ay la xiriireen madaxweynaha mudo dhaafka xilka ku fadhiya si loo fuliyo qisaaska askarigii dhawaanta ku dilay taliye ku-xigeenkii ciidamda Lowyocado.

Dable Axmed Cabdi Cabdillaahi ayaa ay maxkamadii labaad dhawaan xukun dil ah ku riday, isla markaana goaankoodii hordhigay Muuse Biixii.

Madaxdhaqameedka Awdal oo daba socda gooanka labaad ee maxkamada ayaa xiriir la sameeyay Muuse Biixi kana dalbaday in loo qisaaso gacan ku dhiiglaha.

Muuse Biixi ayaa dalabka reer Awdal ku gacan seeray isla markaana faray in ay aasaan marxuum taliye Khadar Maxamed Caynaanshe ay aasaan si dhakhso ah.

Madax dhaqameedka Awdal oo amakaaga ka qaaday hadalka Muuse Biixi ayaa la sheegay in ay haatan wadaan wadatashiyo ay uga jawaabayaan tilaabada Muuse qaaday.

Qoyska marxuum taliye Khadar Maxamed Caynaanshe ayaa tiro dhawr jeer ahba diiday in ay qaataan mag iyo laaluusha xad-dhaaf ah oo lagu badbaadinayo gacan ku-dhiiglaha.

Sida aanu hore u baahinayna waxa Gacan ku dhiiglaha uu u muuqdaa in uu kafaalo qaad ka heyso madaxtooyada isla markaana aan sinaba loo qisaasi doonin.

Comments are closed