Uncategorized

Madaxtooyada Somaliland Oo Markale Docfaruurtay Iskudaygii Guurtida ee Qaboojinta Xaraaradda Wakiillada iyo Labadii Dhinac Oo Saaka La Filayo Inay Is Wajahaan

Hargeysa:09-Feb-2014(SDN)- Mooshinadii Iska Soo horjeeday Ee Golaha Wakiillada oo Shalay Guurtidu Baajisay ayaa Saaka La Filayaa inuu Halkiisii ka Sii Socdo.

khilaafka-xukuumadda-iyo-golaha-wakiilaha-475x207Mooshaniddan oo shalay u janjeedhay dhinaca Kooxda Cirro ka Soo horjeedda, ayaa la sheegayaa inay Kooxdaasi iska Diiday inay Gorgortan ka Galaan Isku dayada ay Guuritidu wadaan, waxana ay Ballan ku qaadeen inay codkooda Ku  Tukhaantukhin doonaan Guddoomiye Cirro oo ay si Aad ah ugu micilisanayaan.

Isku Daygii Guurtida ayaa sida la sheegayo waxa uu ka Shaqayn waayey dhinaca sharciga, maadaama wixii sharci ah aanay Guurtidu xaq u lahayn inay Faraha la Galaan, balse kaliya looga Baahan yahay inay Nabadayn ku dhameeyaan Wixii aan Sharci ahayn iyagoo Adeegsanaya Xeer Jajab iyo Shaqadooda oo ah inay isku Soo Dabbaalaan wixii  kala yaaca ama is Af Garan waaya.

 

Wararkii ugu dambeeyey ee xalay soo Baxayey ayaa Sheegaya in kooxda Haatan ka Soo Horjeedda Guddoomiye Cirro oo aad Tiro badan Shalay GelinKii dambe lagu Shiriyey Meelo Gaar ah, isla-markaana Loo sheegay inaanay Dheg Jalaq u siinin Soo Jeedimaha ka imanaya DhinacaGuurtida oo ay SHaqadooda Qabsadaan.

Cadaadiskan cusub ayaa la sheegayaa inuu Haddana ka Yimi dhinaca Madaxtooyada oo Lacago Tiro Dhaaf ah la sheegay inay Ku Bixisay Mooshinka Guddoomiyaha Ka Dhanka ah.

Saaka ayaa la Filayaa inuu Mar kale Fadhigu Furmo, lama Sheegin ilaa iyo Hadda wax isu soo DHawaansho ah oo Labada Dhinac ay Muujiyeen.

 

Aqalka Madaxtooyada Somaliland, ayaa isagu Ballan ku qaaday inuu Markan Ka Aargudan Doono Guddoomiye Cirro oo in badan Jallaafooyin Hoose u dhigay Guddoomiyeyaal Ka soo jeeda Xisbiga Kulmiye oo Haatan Dibadwareeg ah, waxana Haatan La Filayaa inay Madaxtooyadu ka Gun Gaadho Go’aanadaas ay Ka Qaadatay Guddoomiye Cirro.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com