|

Madaxwaynihii hore Puntland ahna Musharax oo ku baaqay inuu Xassan Shiikh Baneeyo Xilka Madaxtinimo DHAGAYSO

Muqdisho 12.Sep 2016 (SDN/QJ):- Musharax madaxwayne Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Maxamuud ( Faroole ), ayaa ka hadlay ololihiisa musharaxnimo iyo arimaha Soomaaliya meesha ay marayaan.

Musharaxan ayaa sidoo kale wuuxuu ku baaqay madaxwaynaha Soomaaliya mudane Xassan Shiikh Maxamuud inuu xilka iska dhigo kadib muddadii loogu tala galay oo soo dhamaatay.

Madaxwaynihii hore ee Puntland Mudane C/raxamaan Maxamed Maxamuud ahna musharax u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in dawladan hada joogta ladoonayo inay xilka ku wareejiso gudoomiyaha baarlamanka dawlada federalka Soomaaliya.

Comments are closed