|

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Dawlada Federaalka Oo Codsi U Jeediyey Shacabka Somaliyeed DHAGAYSO

Muqdisho 12.Sep 2016 (SDN/QJ):-Wasiirka arimaha Gudaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay muujiyaan dulqaad inta ay xiran yihiin wadooyinka Muqdisho.

Wasiirka-Arrimaha-Gudaa-OdawaaWasiirka ayaa sheegay in shacabka looga baahan yahay in ay la shaqeeyaan dowladda Soomaaliya , gaar ahaan laamaha amniga.

Wasiir Odawaa ayaa xusay in loo diyaar Garoobaayo shirka Madaxeed Urur Goboleed oo lagu wado in uu dhawaan ka furmo Muqdisho.

Waxa  uu  u rajeeyay  umada Soomaaliyeed in ay ciidaan ciideeda kala ay ku gaaraan horumar iyo Barwaaqo .

Wadooyinka Muqdisho ayaa Maalintii Afraad xiran xilli ay Maanta ku beegan tahay Munaasabada  Ciidul Adxaa.

Comments are closed