Hargeysa May 07,2012(SDN)-Madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Seylici ayaa maanta xadhiga ka jiray dhismaha cusub ee gudiga Doorashooyinka Somaliland oo dhowaan la dhamaystiray dhismahiisii.
Munaasabada uu Madaxweyne ku xigeenku xadhiga kaga jarayey Dhismahaasi cusub waxaa goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Golaha wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi , wasiirada wasaaradaha Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) iyo Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo weliba xubno kale oo ka kala socday Hay’adaha dawladda iyo deeq bixiyayaasha caalamiga ah.
Wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta ee JSL Mudane cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) oo munaasabadaas ka hadlay ayaa u mahadceliyey ka soo qayb galayaasha kulankaas, waxuuna xusay inay lagama maarmaan tahay in deeq bixiyayaashu heegan u yihiin inay taageeraan cid kasta oo amni iyo deganaansho laga helo.
Mudane Boobe waxuu sheegay in mar kale Somaliland shacab iyo dawladba ay markhaati ka noqonayaan taallo horumarineed oo cusub oo Somaliland ka dhex taagan taasoo ah dhismahan balaadhan ee lagu yagleelay dimuqraadiyadda Somaliland, maantana loo diyaariyey horumarinteeda.
((Dhismahani waxuu xarun u noqon doonaa hay’ad ay ka hawlgalaan hawlwadeeno aragti dheer oo dersi doona odoros iyo saadaalna ku samayn kara taranka bulshadeena iyo tirada codbixiyayaasha iyo dhamaan macluumaadka la xidhhidha doorashooyinka.)) ayuu yidhi wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland oo ka hadlayey munaasabadaasi
Madaxweyne ku xigeenka JSL oo munaasabadaasi ka hadlay ayaa u mahadnaqay cid kasta oo gacan ka gaysatay dhamaystirka dhismaha gudida Doorashooyinka qaranku, halka sidoo kale uu tilmaamay in dimuqraadiyada Somaliland ay tahay middii ay isaga iyo Madaxweynaha JSL ay xafiiska ku yimaadeen.
Madaxweyne ku xigeenku waxuu ugu baaqay deeq bixiyayaasha inay sii wadaan kaalmada ay ka gaystaan horumarinta Dimuqraadiyada Somaliland, waxuuna ballanqaaday in waxii qabyo noqda ay xukuumad ahaan diyaar ula yihiin inay qaybtooda ka qaataan sidii loo dabooli lahaa.
Dhanka kalena Madaxweyne xigeenku waxuu hambalyo u diray gudida doorashooyinka Somaliland oo uu ku sheegay inay taariikhda ku gelayaan sida xilkasnimada leh ee ay shaqadooda uga soo baxeen, iyadoo uu Madaxweyne ku xigeenku shahaadooyin gudoonsiiyey wadamada bixiya deeqaha dhaqaale ee lagu suurogeliyo qabshada doorashooyinka kala duwan ee Somaliland, wadamadaas oo kala ah: Norwey, Maraykanka, Ingiriiska, Sweden iyo Denmark.
Gudoomiayaha Gudida doorashooyinka qaranka Mudane Ciise Maxamed Yuusuf (Ciise Xamari) iyo afhayeenka Gudidaasi Maxamed Geelle Xirsi ayaa iyaguna mahadnaq u jeediyey deeq bixiyayaasha caalamiga ah ee suuro geliyey dhismaha xaruntani, waxayna codsadeen in xarumihii goboladana loo hirgeliyo.
Xubno ka socday wadamada deeq bixiyayaasha ayaa iyaguna halkaas ka hadlay waxana ay ballanqaadeen inay sii kordhin doonaan deeqda ay ku bixiyaan arimaha horumarinta Dimuqraadiyada iyo arimaha bulshada ee Somaliland.
SDN-Hargeysa
