Dar es Salaam 05, May 2012 (Qurbejoog.com/BBCNews)- Madaxweynaha Tanzania Jakaya Kikwete, ayaa shaqada ka eryay 6 xubnood oo wasiiradiisa ka tirsanaa.
Siday ku warantay BBC-da qaybteeda dunida la hadasha, Madaxweyne Kikwete waxa uu wasiiradaas shaqada uga caydhiyay sababo la xidhiidha eedaymo musuqmaasuq.
Warku wuxuu intaa ku daray, inuu Madaxweynaha saarnaa cadaadis la xidhiidha wax ka qabashada fadeexad musuqmaasuq, taasoo ka dambaysay warbixin ay soosaartay koox kormeertay goobaha dhaqaalaha dawladda.
Baadheyaasha xisaabaadka dawladdu waxay caddeeyeen sida ay u baahday six un-u-isticmaalka maaliyadda ee ugu yaraan todoba (7) wasaaradood.
Dhammaad wasiirada ah ee golaha laga saaray waxay hayeen xilal meeqaamkoodu sareeyo, waxayna kala yihiin; wasiirada Maaliyadda, Tamarta, Dalxiiska, Ganacsiga, Gaadiidka iyo Caafimaadka.
Bishii November, xisbiga talada dalkaas haya ee CCM waxa uu balanqaaday inuu fulin doono talaabooyin lagula dagaalamayo musuqmaasuqa, laakiin waxa jira dhawaaqyo kulul, kana imanayay Mucaaradka oo ku baaqayay in madaxdu ku dhawaaqaan.
Madaxweyne Jakaya Kikwete oo ku dhawaaqayay dib-u-habaynta golihiisa wasiirada, waxa uu sheegay in la-xisaabtanka si adag loo fulin doono, isla markaana la marin doono adeeggayaasha ama kaaliyeyaasha wasiirada oo xataa agaasimeyaasha u shaqeeya shirkaddaha dawladdu leedahay ay yeelan doonaan masuuliyadda la xidhiidha musuqmaasuq kasta. “Kuma filna in wasiiradu ay kelidood qaadaan masuuliyadda, laakiin talaabadan cusubi waxa iyana la marin doonaa kuwa sababay masiibadan oo sidoo kale hawlgalku gaadhi doono,” ayuu yidhi Mr. Kikwete oo suxufiyiinta kula hadlay guriga qaranka ee caasimadda Dar es Salaam.
Wasiirada Shaqada laga eryay:
1-Mustapha Mkulo, wasiirka Maaliyadda
2-William Ngeleja, wasiirka Tamarta iyo Khayraadka
3-Ezekiel Maige, wasiirka Dalxiiska
4-Omari Nundu, wasiirka Gaadiidka
5-Haji Mponda, wasiirka Caafimaadka
6-Cyril Chami, wasiirka Wershadaha iyo Ganacsiga.
Hassan Mhelela oo ah weriyaha BBC-da qaybteeda dunida la hadasha u jooga Dar es Salaam, waxa uu sheegayaa in wasaaradda Tamarta oo maamusha dhaqaalaha waaxda Macdanta iyo sidoo kale wasaaradda Dalxiiska oo ah labada meelmood ee ugu way nee dhakhliga dawladda Tanzania soosaara, ay yihiin meelaha ay inta badan eedaysay warbixin-sannadeedka hay’adda maamusha xisaabta dawladda iyo Hanti-dhawrka Guud.
Weriyuhu waxa uu sheegayaa inay jiraan talaabooyin iska soo horjeeda oo la xidhiidha xil-ka-qaadista wasiiradaas, iyadoo dad badani ku faraxsan yihiin in dawladdu ugu dambayn wax ka qabatay fadeexadaha musuqa, laakiin kuwo kalena dareemayaan in ay tahay in sidoo kale la maxkamaddeeyo.
Madaxweyne Kikwete waxa dib loo doortay sannadkii 2010, taasoo ah muddo-xilleedkiisii u dambeeyay ee shanta sannadood.
Dawladda Tanzania waxay u halgamaysaa la dagaalanka musuqmaasuqa, kaasoo saameeyay dhaqaalaha dalkaas, iyadoo heerka sicir-bararku gaadhay 19%.
Sannadkii hore, dawladdaha Deeq-bixiyeyaashu waxay gooyeen dhaqaalaha ay u balanqaadeen Tanzania, ka dib markii ay muujiyeen walaaca ay qabaan ee ku saabsan musuqmaasuqa iyo talaabada hoosaysa ee dib-u-habaynaha.
Qurbejoog.com, Dar es Salaam
editor@somalidiasporanews.com
