|

Madaxweynaha Kenya Iyo Hoggaamiyayaasha Mucaaridka Oo Ka Wada Qayb-galaya Kulanka Kisumu

Nairobi 30.June 2015 (SDN/QJ)- Kulan maanta ka dhacaayo Mac’hadka Jaamacada Uzima ee magaalada Kisumu ee ku taallo galbeedka Kenya,  ayaa waxa ka wada aayb-galay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo hogaamiyaha Mucaaradka ee Raila Odinga.

Hogaamiyeyaasha KenyaLabadaan masuul oo ku loolamay doorashidii ugu dambeysay ee Kenya ka dhacday bishii March 2013, ayaa sidoo kale waxey kala hogaamiyo labada Xisbigi ee ugu weyn dalkaan oo kala ah; Isbaheysiga talada hayo ee Jubilee iyo Xisbiga Mucaaradka ee Cord.

 

Kulankaan oo ku saabsan dabaal-dag loo sameynaayo Jubilee, ayaa waxaa ka wada qeyb gali doono masuuliyiin kala duwan oo ka kala socdo labadaas xisbi, xili dhawaanahaan ay jireen eedeymo iyo dagaal afka ah oo warbaahinta ay isku marinayeen.

Sidoo kale Madaxweynaha Kenya oo gaadhay magaalada Kisumu oo uu ka soo jeedo hogaamiyaha Mucaaradka Raila Odinga, ahna xarunta ugu weyn ee Xisbiga Mucaaradka Kenya, ayaa booqashadiisa waxey ka dambeysay balan-qaadyo uu ku sameyay Shirkii horay oga dhacay magaaladaas.

Dhanka kale Madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto oo isagana shalay gaadhay deegaannadaas, ayaa tilmaamay in Isbahaysigooda Jubilee uu guul ka gaari doono doorashada xigto ee Kenya. Wuxuuna ku eedeeyay Mucaaradka iney carqaladeynayaan horumarka iyo hanaanka dowladnimo ee Kenya.

Nairobi SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed