Uncategorized

Madaxweynaha Maamulka Punt Land oo Furay Dood Cilmiyeed lagu eegayo Helitaanka Dawlad Kooban oo Tayo Leh

Garowe 15.Jan 2014 (SDN)- Dood cilmiyeed salka ku haysa helitaanka dowlada cadaalad ah tayo iyo tiro wanaagsan ku dhisan ayaa lagu qabtay hoolka shirarka Hay’adda PDRC, waxana kasoo qayb galay madaxwaynaah Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ku xigeenkiisa Cabdixakiin Xaaji Camey,wasiiradii hore, aqoon yahan iskugu jira ragg iyo haween iyo mas’uuliyiin kale oo xilal soo qabtay.

weli gaasKulankan oo dhowr saacadood socday waxaa soo qaban qaabisay Hay’adda PDRC, muhiimada laga lee yahayna waxa uu ahaa in la helo xukumadd ku dhisan aqoon iyo waayo aragnimo,waxana aragtiyo kala duwan laga dhiibtay saddex qodob oo kala ahaa.

1:-Maxaa saldhig u noqon kara dowladda cusub.

2:-Maxay tahay in mamulka cusub uu mudnaanta koowaad siiyo.

3:-Maxay noqon kartaa dowlada cusub: tirada gollaha wasiiradda qaab dhismeedkooda iyo habka loo xulayo.

Ugu horayntii kulankan waxaa ka hadlay Agaasime ku xigeenka Hay’adda PDRC Cali Faarax,wuxuna sheegay shirkan inuu yahay mid wadatashi oo dowladda iyo dhinacyadda shacabku ay ka wada qayb galayaan,wuxuna tilmaamay qabsoomidiisa inay ka timi dhanka madaxda cusub ee xilka la wareegay.

Dhamaan dadkii aragtiyadda soo jeediyay ayaa madaxda cusub kula taliyay xukmadda inay mamul wanaagsan la timaado,cadaalada,ammaanka,hormarka,dhismaha maxkamadda sare,hirgalinta nidaamkii xisbiyada badnaa ka war qabka dadka danyarta ah,ka qayb galinta siyaasada haweenka iyo muujinya doorka ay lee yihiin ayaa ka mid ahaa aragtidii lasoo jeediyay.

Ugu danbayntii madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa oo khudbado soo jeediyay ayaa soo dhaweeyay dhamaan aragtiyaddii dood cilmiyeedka laga soo jeediyay,waxayna balan qaadeen inay ku dabiqi doonaan shaqooyinka ay qabanayaan ayna muhiim tahay in xili kasta la helo aragtida shacabka.

Shirkan wadatashi ayaa ah midkii ugu horeeyay oo Madaxweyne Gaas qabto tan iyo intii uu xilka la wareegey maalintii shaley 14 January, 2014.

Garowe SDN.

Qurbejoog.com