Beledweyne:21-Nov-2013(SDN)-ka dib qaraxii dhimashada badan keenay ee ka dhacay magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, ayey maamulka Gobolkaasi soo Saareen go’aamo aan macquul ahayn.
Maamulka ayaa amar ku bixiyey in qof kasta oo aan ka soo jeedin gobalka iyo dadka doolka ah ee jooga magaalada in ay muddo 24-saac uga baxaan halkaas.
Duqa Beledweyne, Kornayl Cabdi Bishaar Aadan Roha oo ka hadlaayay kulan ka dhacay Magaalada ayaa sheegay in Maamulka Gobalka Hiiraan uu billaabayo howgallo lagula dagaalamayo dadka aan u dhalan gobalka ama aan ka soo jeedin ee jooga magaalada.
Wuxuu sheegay in cid kasta oo aan gobalka ka soo jeedin ay muddo 24-saac uga baxaan magaalada haddii kalena wuxuu sheegay in lala tiigsan doono sharciga.
Wuxuu kaloo guddoomiyaha dadka Beledweyne uu u sheegay in aysan soo dhawaysan dadka falalka ammaan darada ka wada magaalada.
Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay guddoomiyaha gobalka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo, wuxuu ugu horreyn sheegay in aanay wax saameyn ah ku yeelan doonin qarixii ka dhacay Beledweyne.
Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in dagaal ka dhan ah Al-Shabaab ay ka billaabi doonaan gobalka Hiiraan, wuxuuna sheegay in la adkeen doono ammaanka magaalada.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com
